Vinicius Jr oo hiillo cajiib ah ka helay magaalada uu kasoo jeedo ee dalka Brazil (Daawo)

0

(Hadalsame) 29 Maajo 2023 – Laba ka mid ah kooxaha ugu waawayn dalka Brazil ayaa dhigay mudaaharaad ka dhan ah cunsuriyadda lagula kacay laacibka dalkooda kaasoo ay ku taageerayaan xiddiga garabka uga ciyaara qarankooda, Vinicius Jr.

Jookarka kooxda Real Madrid ayaa mar kale lagula kacay cunsuriyad intii lagu jirey ciyaar ka dhacday gegada Mestalla ee ay ku wajahayeen Valencia Axaddii hore.

Natiijo ahaan, kooxdiisii hore ee Flamengo ayaa xiratay funaanado ay ku xardhan yihiin ‘Vini Jr.’ iyagoo sidoo kale dhanka hore ku dhigay kana qaybqaatay mudaharaad fadhi ah oo ku wehlinaysey kooxda Cruzeiro ilbiriqsigii 36-aad ee ugu horreeyey ciyaarta.

Tarabuunka garoonka wayn ee Maracana Stadium, kumanaan taageereyaal ah ayaa iyana soo qaatay boorar ay ku qoran tahay ”qof walba wuxuu la jiraa Vini Jr” Sabtigii.

Dalka uu kasoo jeedo weeraryahankan lagu cunsuriyeey dalka Sain ayaa muujiyey calaamado kale oo hiillo ah oo ku wajahan wiiljooda toddobaadkan, iyadoo uu xaalku xitaa gaarey Dowladda Brazil oo tillaabooyin qaadday.

Hadalsame Media