”Dalkii isbahaysi nala samaysta waxaan siinaynaa hubka nukliyeerka” – Ruushka oo si dadban u shaaciyey qorshe yaab leh

0

(Hadalsame) 29 Maajo 2023 – Madaxwaynaha Belarusia ee Alexander Lukashenko ayaa ku andacoodey in wadamada doonaya “inay ku biiraan Midowga Ruushka iyo Belarus” la siin doono hubka nukliyeerka, maalmo uun kaddib markii la xaqiijiyey in qaar ka mid ah hubka nukliyeerka taatiigga ah ee Moscow loo wareejiyey Minsk.

Lukashenko, oo saaxiib dhow la ah Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin, ayaa hadalkan ku sheegay waraysi Axaddii laga sii daayey kanaalka ay dowladdu maamusho ee Russia 1.

Intii lagu guda jirey waraysiga, Lukashenko wuxuu yiri, “Qofna dhib kuma qabo Kazakhstan iyo waddamada kale ee xiriirka dhow oo la mid ah midka aan la leenahay Federaalka Ruushka iyaguna la leh.”

“Aad ayay u fududahay,” ayuu raaciyey. “Kusoo biir Midowga Belarus iyo Ruushka. Waa intaas uun: Waxaa deeto dal walba la siin doonaa hubka nukliyeerka. ”

Waxaa heshiiska uu sheegayo la saxiixay 1999-kii, waana hehsiis ballaaran oo taabanaya dhinayo ka kooban dhaqaalaha, macluumaadka, tiknoolajiyadda, beeraha, iyo amniga xuduudaha iyo waxyaabaha kale ee ka dhexeeya labada waddan, sida laga soo xigtey. Bogga internet-ka ee Dowladda Belarus.

Maadaama warkan laga sii daayey hilin ay maamusho Moscow waxaa muuqata inuu Ruushku aragtidan qabo, balse uu soo dhex marsiiyey MW Belarusia.

Visualizing the Countries With the Most Nuclear Weapons

Hadalsame Media