Midowga Yurub oo soo wada mashaariic waawayn oo ay kula tartamayaan Shiinaha (Somalia oo…)

0

(Brussels) 22 Maajo 2023 – Midowga Yurub wuxuu u baahan yahay inuu bixiyo biddaal dhab ah dhanka mashaariicda dhaqaalaha Shiinaha ee waddamada Koonfurta Adduunka, sida ay qabto Guddoomiyaha Komishanka Yurub, Ursula von der Leyen.

Midowga Yurub iyo dalalka la midka ihi waa inay ka faa’iidaystaan “fursaddan” maadaama “wadamo badan oo Koonfurta Adduunka ihi ay raadinayaan ikhtiyaaro kale oo maalgelineed,” ayay ka sheegtay shirkii G7 ee ka dhacay Hiroshima ee Japan.

Von der Leyen waxay ku andacootey in Hindisaha Belt iyo Road ee Shiinaha – oo ah istaraatijiyad lagu samaynayo maalgashiga kaabayaasha caalamiga ah oo lasoo bandhigay toban sano kahor – ay lumisay soo jiidashadii sababtoo ah dalal badan ayaa “dhib kala kulmay qaamaha Shiinaha.”

“Waxay qaateen daymo Shiinays ah waxayna ku danbeeyeen dhibaato qaameed,” ayay tiri sarkaalka Midowga Yurub, iyadoo raacisay in Midowga Yurub iyo G7 ay tahay inay buuxiyaan booskaa bannaan.

“Waxaan doonaynaa inaan miiska soo saarno dalab ka fiican kan Beijing. Haddii aan ku jirno tartan, waxaan ku jirnaa tartan xagga sare ah,” ayay tiri von der Leyen.

Waxay intaa ku dartay in Midowga Yurub uu wado 90 “mashruuc oo ka dhacaya qaaradaha caalamka” kuwaas oo qayb ka ah qorshaha maalgashiga EU ee Global Gateway.

Erayada Von der Leyen ayaa yimid jeer ay wadamada G7 ay soo saareen bayaan wadajir ah oo ku eedeeyey Beijing “khasbitaan dhaqaale” iyo xatooyo teknoolajiyadeed.

Somalia ayaa u baahan inay la timaado siyaasad bisil oo ay uga faa’iidaysan karto ifafaalahan cusub iyadoo aan cidna la colloobaynin balse daneheeda ka dhex raadsanaysa.

Hadalsame Media