Danjiraha UK ee Somalia oo sheegay dad uu ka raadinayo Muqdisho & Hargaysa (Daawo)

0

(Muqdisho) 22 Maajo 2023 – Danjiraha UK ee Somalia, Michael Nithavrianakis, ayaa shalay ka qaybqaatay orod ka dhacay xeebta Muqdisho.

Danjiraha oo ay la ordayeen qaar kale oo ka tirsan Safaaradda UK ee Muqdisho ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xeebaha diirran ee Badwaynta Hindiya.

Wuxuu kaloo sheegay inuu Muqdisho iyo Hargaysa ka raadinayo orodyahanno la mid ah Maxamed Faarax kaasoo billado qaali ah usoo hooyey dalka Britain.

Danjire Michael Nithavrianakis oo dhowaan loosoo magacaabay dalka Somalia ayaa weli deggan dhisme ku dhex yaalla Aagga aadka loo ilaaliyo ee Xalane.

 

Hadalsame Media