Musharraxii 3-aad galay oo kulan albaabadu u xiran yihiin la yeeshay Erdogan (Maanta oo u shaacinayo cidda uu taageerayo)

0

(Ankara) 22 Maajo 2023 – Siyaasiga 55-jirka hore ee aqoonyahanka ah ayaa kalsooni ku qaba inuu heli karo 2.8 milyan oo qof ee u codeeyay inay taageeraan musharraxa uu taageero Axadda soo socota oo ay dhacayso doorashada isku celiska ah, sida uu qorayo Daily Sabah.

Sinan Oğan, oo ka socda ATA Allliance misna helay 5.28% codadka, waa xisbi cunsuri ah oo kasoo horjeeda qaxootiga, wuxuuna si joogta ah ugu ololeeyey cilmaaniyaddii uu tallaalay Mustafa Kemal Atatürk – aasaasihii Turkiga casriga ah.

Wuxuu ku dhaadanayaa qarannimada Turkiga, xoojinta la dagaallanka kooxaha argagixisada. Sida PKK iyo Kooxda Argagixisada ee Gülenist (FETÖ), iyo cayrinta in ka badan 5 milyan oo qaxooti ah oo ku sugan dalkaasi.

Hadalkiisa qallafsan ee ka dhanka ah dadka soogalootiga ah ayaa ah mid liddi ku ah siyaasadda soo dhowaynta ah ee Erdoğan, balse sarkaal ka tirsan xisbiga talada haya ee Caddaaladda iyo Horumarka (AK Party) ee Erdogan ayaa dhowaan sheegay in aysan jirin wax badan oo ay ku heshiin waayeen labada dhinac, gaar ahaan arrimaha ku saabsan soogalootiga iyo kooxaha argagixisada.”

Oğan iyo Erdoğan ayaa goor dambe oo Jimcihii ah ku kulmay kulan albaabadu u xiran yihiin, waxayna ka wadahadleen natiijada doorashada, maalmo kaddib markii kooxda mucaaradka ihi ay daaha ka qaadeen qorshaha Kılıçdaroğlu uu kula yeelanayo wadahadal si uu isna isugu dayo inuu taageero ka helo.

Marka loo eego farriimaga Twitter-ka Oğan, waxay u badan tahay inuu ku dhawaaqi doono musharraxa uu doorbidayo inuu taageero Isniintan maanta ah.

Hadalsame Media