“Hinda Culusow si xun bay ii caayday!” – Danjiraha Somalia ee Sucuudiga oo is casiley kaddib markii uu sheegay in la “badiley”

0

(Riyaad) 21 Maajo 2023 – Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Sacuudi Careebiya Danjire Saalim Macoow Xaaji ayaa sheegay inuu iska casiley xilkii Safiirnimo, isagoo soo jeediyey eedo waawayn oo ka dhan ah nidaamiyayaasha Madaxtooyada.

Safiirka ayaa ka cawday in loola dhaqmay si ka baxsan anshaxa diblomaasiyadda taasoo ah arrin ay kula kacday Madaxa Maamuuska Madaxwaynaha iyo isla xafiiska Madaxwaynaha dalka.

Wuxuu sheegay in Madaxa Maamuuska, Hinda Culusow, ay si xun u aflagaaddaysey iyadoo sidoo kale looga dhaartay inuu la kulmo MW Xasan oo uu sheegay in dadka kale loo fasaxayey.

Waxaa kale oo uu sheegay in loo diidey inuu galo shirkii Kal-fadhiga 32-aad ee Jaamacadda Carabta ee 19-kii bishan oo Jimcaha ku beegnayd ka dhacay Riyaad.

Wuxuu kaloo farta ku fiiqay inuu arrintan uga cawdey Wasiir Dibadeedka DF Somalia oo wefdiga la socdey, balse aan waxba ka qabanin cabashadiisa.

Wararka qaar ayaa xitaa sheegaya in kaarkii Safiirka la siiyey gabadha Madaxwaynaha, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo ka madax banaan dhinacyada, balse Danjiruhu taa bayaankiisa kuma xusin, waloow booskiisii ay gabadhu fadhiso, sida sawirka ka muuqata.

Arrintan eedda ah ayaa noqonaysa tii ugu dambaysey silsilado eed ah oo laga sheeganayo qoyska MW Xasan oo la sheegay inay si aan horay madaxdii kale ee dalka soo martay loogu arag ugu lug leeyihiin howl maalmeedyada Madaxtooyada iyo xitaa go’aamada muhimka ah, taasoo noqonaysa nin tooxsi aan qurxoonayn.

 

Hadalsame Media