”Waa nin aan hal qof u goyn karin” – Guti oo weerar ku qaaday & Grealish oo jawaab yaab leh siiyey

0

(Manchester) 20 Maajo 2023 – Laacibka Jack Grealish ayaa dib u weeraray halyeeyga Real Madrid ee Guti kaddib markii ay Manchester City xasuuqday camaaliqada reer Spain, isagoo dhaleeceeyey ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe kaddib markii ay ismari waayeen lugtii hore.

Madrid iyo City ayaa ku kala bixi waayey lugtii hore ee Bernabeu, iyadoo Kevin De Bruyne uu qaybtii labaad ee ciyaarta uu kansalay goolkii furitaanka ee uu qurxoonaa ee uu ku qaaraamay Vinicius Jr.

Ciyaartaas kaddib, Guti lama dhicin taatikadii Pep Guardiola, wuxuuna si gaar ah ula baxay laacibka Grealish oo uu sheegay inuu yahay ciyaaryahan aan walwal ku haynin kooxdiisii hore.

“Tababarayaashu doorarkoodii waa beddeleen, hadda kan geesiga ihi waa Ancelotti, kan daafaca ihina waa Guardiola,” ayuu Guti u sheegay hilinka Isbaanishka ah ee El Chringuito.

“Manchester City weerarkeeda way yar yahay. Waxay lahaan jireen laba difaac oo dadab ah oo sidii danab dhinacyada uga soo weerar geli jirey hadda se ma laha. Waxay soo galiyeen Bernardo Silva, oo aan ahayn garab-weerar, waxayna halkaas ku lumiyeen ciyaaryahan.

“City waxay haysataa Jack Grealish, kaasoo aan cidna kubadda la dhaafi karin. Horyaalka Premier League waxaa laga yaabaa inuu ka caqli badiyo qof walba, laakiin ma arag isaga oo sidaa ka samaynaya Champions League.’ ayuu raaciyey.

Erayada Guti ayaa ku soo laabtay isaga habeenkii Arbacadii, iyadoo Grealish iyo Silva ay sidii shabeel caraysan u kala dafeen Madrid oo ay  si xil leh ugu garaaceen Etihad Stadium.

Grealish oo u jawaabaya Guti ayaa si fudud wuxuu adeegsadey emoji muujinaya ”aamus”, waloow sidoo kale loo fasiran karo ”waan kaa gaabsanayaa.”

Grealish has hit back at Guti after enjoying the fact he silenced the former Madrid star

Hadalsame Media