”Waxaad iska indha tirteen xuf-goosiga Ruushka” – MW Ukraine oo weerar ku qaaday Sucuudiga & Jaamacadda Carabta

0

(Riyaad) 20 Maajo 2023 – Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga, Amiir Faysal Bin Farxaan, ayaa sheegay in Riyaad iyo dalal kale oo Carab ihi ay mowqif ”dhex-dhexaad ah” ka taagan yihiin colaadda Ukraine iyo Ruushka, ayna doonayaan inay sii wadaan xiriirka labada dhinac.

Hadalkan ayuu jeediyey kaddib markii uu soo idlaaday shirkii Jaamacadda Carabta ee Jimcihii ka dhacay Jeddah, kaasoo uu ka qaybgalay Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky oo Carabta ku eedeeyey inay iska indha tireen weerarka Ruushka.

Hogaamiyaha Ukraine ayaa wuxuu ku adkaystay, isaga oo aan cidna gaar u carrab dhabin, in qaar ka mid ah quruumaha Carbeed ay indhaha ka qarsanayeen “xuf-goosiga sharci darrada ah” ee Moscow.

Sacuudi Carabiya ayaa se diiday inuu ka qaybqaadato cunaqabataynta reer Galbeedka ee KA DHANKA ah Moscow, taasoo ay ku jiraan dadaallada lagu dhimayo dhoofinta tamartooda.

Wadashaqaynta sii socota ee Riyaad ee Ruushka iyada oo loo marayo OPEC +, oo ah shirkad ay ku midoobeen dhalalka dhoofiya saliidda, ayaa dhaleeceyn wayni uga timid Maraykanka oo Sucuudiga la olog ah.

Dhanka kale, isaga oo aan sheegin wax magacyo ah, MW Zelensky ayaa waxa uu xusay in qaar ka mid ah ka qaybgalayaashii shirka Jaamacadda Carabtu “ay aragti duwan ka leeyihiin dagaalka lagu qaaday dhulkooda.”

“Nasiib darro, waxaa jira qaar dalalka adduunka ah iyo kuwo halkan jooga, oo idinka mid ah, oo indhaha ka qarsada xuf-goosiga sharci-darrada ah ee Ruushka,” ayuu Madaxwaynuhu ku adkaystay isagoo ula jeeda gobollada laga goostay.

“Waxaan halkan u joogaa in qof walba uu si daacad ah u eego xaaladda. Si kasta oo ay Ruushku isugu dayaan in ay saamayn ku yeeshaan [dadka kale], waa inay weli jirtaa madaxbannaani.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media