Kooxaha Serie A maxay ugu dhamaatay waqtigii ugu dambeeyey ee ay 3 koob usoo baxaan? Viola oo dhigtay rikoodh aysan abid samayn koox Yurub ah

0

(Hadalsame) 20 Maajo 2023 – Waxaa dhammaadka 3-da koob ee Yurub usoo baxay 3 kooxood oo Talyaani ah fasal-ciyaareedkan, taasoo muujinayso soo noqodka cududdii Serie A.

Waa markii ugu horreeysey ee ay arrintani dhacdo tan iyo fasalkii ciyaareed ee 93/94.

Haddaba, sidee fasalkaa xaalku noqday?:

  • AC Milan ayaa ku guulaysatey CL
  • Inter Milan waxa ay ku guulaysatey koobka UEFA.
  • Halka AC Parma oo haatan Serie B ka dheesha lagaga badiey Koobkii Koobabka oo la joojiyey 1999-kii.

Dhanka kale, Fiorentina ayaa noqotay kooxdii ugu horreeysey taariikhda ee Yurub ah ee iska wada xaadirisa final-ka dhammaan afarta tartan ee Yurub.

Waxay wada xaadirtay dhammaadyada UCL, UEL, UECL oo ay sanadkan joogto iyo Koobabkii Koobabka.

Hadalsame Media