Hoteel bisha lagasoo minguuriyey oo laga dhisayo Dubai (Caqliga oo diidaya lacagta ku baxaysa)

0

(Dubai) 20 Maajo 2023 – Ganacsade Canadian ah ayaa soo jeediyey mashruuc lagu dhisayo hanti ma-guurto ah kaasoo kor u qaadi doona xiisaha dhismayaasha dhaadheer ee Dubai – isaga oo dhisaya dhisme laga min-guuriyey dayaxa.

Mashruuca cusub ee Michael Henderson, oo loogu naanayso MOON, waxa uu muuqaal ahaan la mid noqonayaa dayaxa dhabta ah ee ay dhici karto in bilyaneerrada dunidu ay maalin uun soo booqdaan, cabbirkiisu se wuxuu yahay 0.008 boqolkiiba marka loo eego xajmiga dayaxa.

Mashruuca Henderson waxaa ka mid ah meel loo dalxiis tago oo ku dhex taal qaab-dhismeedkan wareegsan, oo ay u dhameystiran hoteel 4,000-qol ah, hool awood u leh inuu martigeliyo 10,000 oo qof iyo ‘degaan dayax’ martida siinaya dareen ah inay ku dul socdaan dayaxii runta ahaa.

Mashruucan oo ay ku baxayso $5 bilyan oo Doollar ayaa waxa uu dherer la egyahay oo cagood (274-mitir) kaasoo dul fadhiya dhisme 100-cagood ah (30-mitir) waana meel aan ka durugsanayn dhismaha adduunka ugu dheer, Burj Khalifa, kaas oo dhererkiisu yahay 2,722 oo cagood ( 829m).

The proposed $5 billion real estate project would bring a 900-foot (274-meter) replica of the moon to Dubai's glittering skyline. This artist rendering shows the project, dubbed MOON, as envisioned on the Dubai Pearl, a coveted plot of land at the base of The Palm Jumeirah

Hadalsame Media