Fal-celin adag oo ka timid abaalmarin ay baadariyaal uun horay ugu guulaysteen oo la siiyey Edna Adan & Hadal ay sheegtay (Daawo)

0

(Hargaysa) 20 Maajo 2023 – Hay’adda John Templeton Foundation ayaa shaaca ka qaadday dhawaan in Edna Aadan Ismaaciil ay sanadkan ku guulaysatay abaal-marinta Templeton Prize, iyada oo ku mutaystay ka qayb qaadashada caafimaadka haweenka ee Somaliland.

Waxaa lagu qiimeeyay ku dhawaad $1.4 milyan qiimaha abaalmarintan, oo ah mid sannadle ah oo uu aasaasay samafale hore Sir John Templeton.

Waxaana la guddoonsiiyaa oo lagu sharfaa dadka ka faa’iidaysta awoodda cilmiga si ay u sahmiyaan su’aalaha ugu qoto dheer ee caalamka.

Mother Teresa, oo diinta Masiixiga faafin jirtey, ayaa ahayd qofkii ugu horreeyey ee hesha Abaalmarinta Templeton konton sano ka hor 1973-kii, Ednana sidaas si la mid ah waxay nafteeda u hurtay caawinta bulshada aan haysan daryeel caafimaad oo ku filan, taas oo u keentay in ay hesho saameyn caalami ah.

Dadka kale ee ku guulaystay abaalamarintan waxaa ka mid ah baadarigii reer Koonfur Afrika ee Desman Tutu, oo ku helay in uu gacan ka geystay soo afjaristii nidaamkii midab takoorka dalka Koonfur Afrika.

Edna ayaa sheegtay inay ”diimuhu faafiyaan mabaadii’ isku mid ah”, waxaa kale oo ay si la fahmi karo ugu faantay inay kasoo jeeddo qoys kala diin ah iyadoo sheegtay inay hooyadeed ahayd qof haysata mad’habta Masiixiga ka tirsan ee Roman Catholic, halka uu aabaheed ahaa Muslim, balse isla hadalkaas kuma ay sheegin iyadu waxa ay rumaysan tahay.

Labadan arrimood ayaa baraha bulshada ka dhaliyey doodo kulul oo ilaa haatan soconaya, iyadoo ay dadka qaarkood go’aamo iska gaareen oo xugmiyeen waxa ay iyaga la tahay.

Halkan hoose ka arag fal-celinta dadwaynaha….

A Woman of Firsts: The true story of the midwife who built a hospital and  changed the world - A BBC Radio 4 Book of the Week See more

Hadalsame Media