”Muqdisho waxaan ku arkay AFAR arrimood oo kala daran”

0

(Muqdisho) 20 Maajo 2023 – MUQDISHO MAAHA MAGAALO SI SAHLAN LOO DHEX MUSHAAXI KARO.

Afar bar koontarool oon maanta maray afar arrin oo kala duwan oo kala halis daran ayaan kula kulmay.

Xildhibaanad hore Farxiyo Muumin oo aan isku magaalo ka nimid iminkana xubin ka ah Guddiga Dastuurka ayaa qado aniga iyo asxaab kale nagu casuuntay.

Waa maalin Jimca ah magaalada Muqdisho saxmaddu waa ka yar tahay maalmaha kale. Gaari, waxaan raacay nin aan asxaab nahay uu watay. Bar koontaroollada qaar waa laga degaa gaariga si askariga jooaga Loo tusiyo aqoonsi ‘dowladeed’.

Waxaan isku xilqaamay inaan shaqadaa ka fududeeyo darawalka oo aan koontaroollada u dago.

1 – Kii ugu horreeyay si wanaagsan oo deggan ayuu noola macaamilay markii aan soo gudbaynay ayuuse nagu yiri odayaasha soo habeeya maanta. Mar kale inooga dhig ayuu yiri darawalki.

2 – Koontaroolka labaad waxaa burbursanayd calaamaddii la istaagi lahaa innagoo geesaha ka eegayna isla markaana gaariga taayarradiisa ay qunyar gaddoomayaan si aan u istaagno waxaannu ka war helnay xabad nalagu riday iyo wiil dhallinyara, oo labisan darees cagaaran, oo u eg nin qayilaya oo garabkeenna taagan. Qorigii uu hadda xabadda ka riday ayuu nagu fiiqayaa. Halhaleel ayaannu istaagnay dhan nalaga soo galaannu garan weynay.

Yarka wuxuu leeyahay “maxaad u istaagi weydeen” innagana waxaan leenahay “calaamadda istaagga sow taa naga horraysa?” (Calaamadda istaaga waxay ku qoran tahay dhagax shub ah oo wadada bartankeeda lagu gooyay) Nin wiilka taliye u ahaa ayaa nagu soo baxay. Gaariga ayuu naga dejiyay si deggan. Wuxuu nagu yiri “maadaama xabbad dhacday aan is wareysanno “. Waxaannu sharraxnay sidii ay wax u dhaceen. Isna waxa uu noo sheegay in calaamadda hore burburtay laakiin dadka halkan mara ay yaqaannaan. Wiilkii xabbadda riday ayuu keenay. Isagiina waxa uu sheegay in xabadda uu kor u riday oo aaney jirin wax saa u weyn.

3 – Tii seddexaad illeen anigaa degista u xilsaarane waxaan soo istaagay koontarool. Askariga joogo wuxuu ii sheegay in aan sugo maadaama taliyahiisa uu mashquul yahay. Illaa shan daqiiqo ayaan sugay gawaari kalana waa ay iga daba yimaadeen. Taliye waxaa yimi garan cad iyo macawiis xiran. Malaha wuu I aqoonsaday ‘masuul soco ayuu igu yiri”. Gaarigi ayaan kusoo noqday markii aan soo dhaqaaqnay askari kalaa bastoollad nagu qabtay iyadoo mid kale oo birta qaadaya uu leeyahay daa gaarigaa. Waan hakannay, haddana dhaqaaqnay.

4 – Koontaroolkii afaraad oo ah mid ka mid kuwa aan loo degin askari fooq saaraan ayaa toosh shidan gacanta noogu haatiyay oo socda na yiri balse midka kale oo garab fadhiyay ayaa istaaga na yiri. Markaan weydiiyay sababta waxa uu igu yiri magaalda miyaad ku cusub tahay? Isagoo dhoola caddeynaya.

Intii u dhexeysay koontaroolladaa, gaariga dhinacii aan ka fadhiyay waxaa si toos ugu soo dhacay mooto bajaaj —gaariga oo ahaa kuwa aaney xabaddu karin ayuu dhinac ka garaafeeyay. Markaan weydiiyay sida ay wax u dhaceen isaga iyo rakaabkii la socdayba waxay isku raaceen in fariinka bajaajtu qabsami weyday. Wiil iyo gabadh bajaajta saarnaa ayaa nagu yiri raalli ahaada aan idiinka duceyno garaafada gaartay gaarigeenna.

Jimco waxay ahayd aan xig yar ka fahmay nolosha waddooyinka Muqdisho iyo dhaqanka askarta.

Muqdisho maaha magaalo si sahlan loo dhex mushaaxi karo.

W; Q: Maxamed Xaraare

Hadalsame Media