Nasri Warsame oo lagusoo rogey mamnuucitaan abadi ah oo ku saabsan inuu tartamo & Sababta uu ku mutaystay

0

(Minneapolis) 20 Maajo 2023 – Tillaabo ay ku tilmaameen mid aan horay loo arag, xisbiga Dimuqraadiga ee Farmer-Labor ee Minnesota ayaa ku dhawaaqay in Nasri Warsame laga mamnuucay inuu weligii taageero ka helo xisbiga kaddib markii uu dagaal ka qarxay shirwaynihii Ward 10 ee todobaadkii hore.

Shirweynihii ansixinta Golaha Degaanka ee magaalada Minneapolis  ee Sabtigii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Minneapolis ayaa isu beddeley buuq iyo gacan ka hadal, iyadoo tiro ka mid ah taageerayaasha Warsame ay si deg deg ah masraxa u koreen, xilli uu Madaxwaynaha hadda xilka haya ee Aisha Chughtai iyo taageerayaasheedu ay isu diyaariyeen inay goobta ka hadlaan.

Guddoomiyaha DFL Party eeKen Martin ayaa yiri: “Waxaan filaynaa in murashaxiinta iyo ololayaashu ay noqdaan hoggaamiyeyaal, si ay gacan uga gaystaan diyaarinta ergooyinkooda iyo taageerayaashooda imanaya shirarka, haddii ay xiisaddi bilaabatana, waxaan filaynaa in musharraxiinta iyo ololahoodu ay ka shaqeeyaan sidii loo qaboojin lahaa xiisadahaas. Taa bedelkeeda, Warsame ololihii ayaa shidaal kusii shubay ilaa qaar ka mid ah taageerayaashooda ay furka xooraan.”

Muuqaal uu soo duubay John Edwards oo ka tirsan Wedge Live ayaa muujinaya koox dad ah oo dagaal af iyo addin ah ka wada masraxa iyo madasha halkaasoo ay Chughtai iyo taageerayaasheedu ay masraxa ku sugnaayeen.

Qaar badan oo ka mid ah dadkaas dagaalka samaynayey waxa ay wateen calaamado ama shaati ay ku taageerayaan Warsame. Halkan kasii aqri…

Hadalsame Media