Sida aad u kala xulan karto dufannada kala duwan & Kuwa ku fiican in ceeriin ama bisayl lagu cuno (Midka ugu liita?)

0

(Hadalsame) 20 Maajo 2023 – XOG MUHIM AH OO KU SAABSAN DUFANNADA LA JECEL YAHAY EE SUBAG IYO SALIID

Dhakhaatiirta cuntooyinka iyo nafaqada ku takhasusay waxay sheegeen in isticmaalka dufanku (subagga iyo saliidda) ay ku kala habboon yihiin sida loo cuno.

1 – Haddii aad korka marasaneyso waxaa ugu fiican saliidda Moringa iyo Macasaro.

2 – Haddii aad wax ku karsanayso waxaa ugu fiican saliid qumbe, avocado iyo macsaro.

Haddii aan bun ku dubaneysana waa sixin – ama macasaro.

3 – Haddii aad ceeriinka ku cuneysana waxaa ugu fiican saliid zeytuun iyo, kurus iyo subag ido.

Saliidda la wershadeeyey ee dhirta laga sameeyo oo Soomaalidu taqaan “saliid Caddeey” da ( refined vegitable oil) meel ay ku fiican tahay ma jirto sida ay dhakhaatirtu leeyihiin.

Si kasta oo ay naqataba, dufan waxaa ugu fiican kan fresh-ka ah ama kan aan meel fog ka imaanin.

W; D: Cali Xalane

Hadalsame Media