BAARIS CUSUB: QM oo ku baaqday in cunaqabatayn lagusoo rogo saraakiil ka tirsan Somaliland oo ku lug leh dagaalka Laascaanood

0

(Hadalsame) 19 Maajo 2023 – Qaramada Midoobay ayaa baaraysa in  Soomaaliland ay ku xad gudubtay cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo inay jabisay xeerarka caalamiga ah ee bani’aadanimo inta uu socdo dagaalka Laascaanood.

Guddiga khubarrada Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa soo jeediyay in cunaqabateyn lagu soo rago ciddii lagu helo gobad faladaas, iyadoo la cuskanayo qaraarka Qaramada Midoobay ee lambarkiisu yahay 1844 oo la ansixiyay sanadkii 2018-kii.

Baaritaankaan ayaa heerkiisa ugu horreeya lagu qiimeynaya in hubka iyo rasaasta loo adeegsaday dagaalka Laascaanood ay jabiyeen cunaqabateynta hubka ee lagu soo rogay Soomaaliya, sida lagu sheegay muuqaalo laga soo qaaday magaalada Laascaanood oo muujinayay burbur soo gaaray dhismayaal rayid ah oo ka dhashay weerarro loo adeegsaday madaafiicda.

Baaritaanka ayaa lagu sheegay in sanaadiiqda rasaasta, gantaalada, iyo hoobiyeyaasha la isticmaalay laga yaabo in ay yihiin hub ay soo saareen waddamo kala duwan oo ay ku jiraan Itoobiya, Bulgaria, Yugoslavia, France, iyo Shiinaha. Guddiga Qaramada Midoobay baaritaankooda waxaa qeyb ka ah haysashada hubkaa.

Waxaa walaac laga muujiyay walxaha qarxa ee aan qarxin (UXO), oo khatar weyn ku ah dadka rayidka ah, midda ugu weyn ee cabsida leh ayaa ah a in kooxaha hubaysan ee aan dawliga ahayn sida Al-Shabaab dib ugu farsameeyeen walxaha qarxa.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in hay’adda UNMAS iyo hay’adaha miino baarista ee ka howlgala Soomaaliya aysan weli gaarin magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Soo jeedinta guddiga khubarrada Qaramada Midoobay oo u baahiyay Shabakadda Hiiraan Online ayaa lagu sheegay in warbixinta hordhaca ah ay ku eedeysay Cabdiqani Maxamuud Caateeye , Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Jeneraal Cabdi Cabdilaahi, Taliyaha Howlgelinta ciidanka, Jenaraal Faysal Cabdi Bootaan, Gaashaanle Sare Ibraahim Ashkir, Taliyaha qeybta 7-aad iyo , Taliyaha qeybta 10-aad inay ku lug leeyihiin dagaalka Laascaanood, islamarkaana ay surtagal tahay in Qaramada Midoobay ay qaado tallaabo ka dhan ah xubnahan.

Guddigu wuxuu kaloo baarayaa kiisaska xadgudubyada suurtagalka ah ee xuquuqda aadanaha (IHRL) sida madfaca qarxa ee lala beegsaday xarumaha rayidka oo ay ka mid yihiin isbitaallada iyo masaajidda, kiiskii ugu culus ayaa ku saabsan duqeyn la sheegay in ciidamada Somaliland ay u geysteen Isbitaalka Guud ee magaalada Laascaanood 28-kii Febraayo ee sanadkaan 2023.

Guddigan oo ka kooban lix xubnood ayaa sidoo kale soo saaray walaac ku saabsan carqaladeynta suurtagalka ah ee gargaarka bini’aadantinimo iyo helitaanka shaqaalaha caafimaadka iyo shaqaalaha UN-ka oo ay sheegeen iney u suurto geli wasay inay galaan Laascaanood iyo agagaarkeeda.

Wafdi ka socday Itoobiya oo tagay Hargeysa oo ku dedaalayay sidii ay xaaladda u dejin lahaayeen ayaa haddana wax natiijo ah aysan ka soo bixin socdaalkooda dublamaasiyadeed ee ay Somaliland iyo dadka deegaanka SSC.

Dagaalka Laascaanood ayaa saameyn xun ku yeeshay bulshada deegaanka, iyadoo in ka badan 210 rux ay ku dhinteen, islamarkaana ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 680 ruux, waxaa sidoo kale dagaalka uu saameyay adeegyadii muhiimka ahaa sida biyaha, korontada iyo waxbaraahada oo saameysay in ka badan 15,000 oo arday iyo 700 oo macalimin ah.

Rabshadihii ugu dambeeyay ee soo shaac baxay ayaa laga dheehan karaa dilal qorsheysan oo isdaba joog ah oo uu ka mid yahay dilkii Cabdifataax Cabdullaahi Cabdi ‘Hadraawi’ oo ka tirsana xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Somaliland, kaasoo dhaliyay mudaharaadyo sababay khilaafkan iyo colaada hadda taagan Laascaanood.

Dhacdooyinka Laascaanood ayaa bilaawday 6-dii Febraayo ee sanadkaan markii guddi Dhulbahante ah ay ku dhawaaqeen inay ka madaxbannaan yihiin Somaliland, waxana ciidamada Somaliland oo ka jawaabaya taasi ay keentay iney duqaymo ku garaaceen magaalada Laascaanood.

Isha: Hiiraan Online

Hadalsame Media