”Haddii aad noocaas tahay booliis nooma ahaanaysid” – Hindiya oo Booliiska lagu xirey shuruud cusub oo yaab leh

0

(Assam) 19 Maajo 2023 – Sarkaal ka tirsan booliiska gobolka Assam ee Hindiya ayaa u sheegay askarta booliiska ee cayilan ama buuran gaar ahaan kuwa aanu is waafaqsanayn cufkooda iyo dhererkoodu  (BMI) ay tahay in “si xirfadaysan loo diiwaan geliyo” iyadoo laga bilaabo bartamaha Agoosto looga fahdiyo inay is caateeyaan ama ay ka fariistaan ​​ciidanka.

“Waxaan qorshaynaynaa inaan siinno seddex bilood oo waqti ah dhammaan shaqaalaha booliiska ee Assam [kahor intaan imtixaannadu bilaabmin],” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta twitter-ka ee GP Singh, Agaasimaha Guud ee ciidanka Booliiska Assam.

“Dhammaan kuwa ku jira qaybta buuran (BMI 30+) waxaa la siin doonaa saddex bilood oo kale oo dheeraad ah si ay u yareeyaan miisaankooda.” ayuu yiri.

Singh waxa uu tilmaamay inuu noqon doono sarkaalkii ugu horreeyey ee laga cabiro BMI-giisa iyo in rafiiq kasta oo qaba cudurro caafimaad oo sharci ah sida hyperthyroidism laga dhaafi doono tallaabooyinkan.

Tani waxay daba socotaa hadal toddobaadyadii la soo dhaafay uu sheegay Wasiirka ugu Sarreeya Assam (MW Maamul-goboleedka Assam) Himanta Biswa Sarma, in ku dhowaad 300 oo booliis ah oo loo arko inay yihiin “khamriyo cab” iyo in “jir ahaan aanay taam ahayn” la waydiin doono inay galaan howlgab deg deg ah, iyada oo uu wado wax uu ugu yeeray “in dadka daallan laga saaro ciidanka booliiska”.

Hadalsame Media