(Hadalsame) 19 Maajo 2023 – ๐๐ฎ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐ฑ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฐ๐ฎ๐ฎ๐ณ๐ถ๐บ๐ฎ๐ฎ๐ฑ-๐ธ๐ฎ ๐ธ๐ผ๐ผ๐๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ (๐ฆ๐ฝ๐ถ๐ป๐ฎ๐ฐ๐ต)
Koostadu waxa ku jira dhammaan qaybaha Nafaqada waxay qani ku tahay fiitamiinada : vitamins K vitamin A vitamins C Folate (B9)
Macdanta : manganese calcium, iron, sidoo kale Koostadu waxay leedaahay vitamins K iyo vitamin A aad u badan .
1. Waxay xoojisaa Aragtida isha : vitamin A kujiro koostada wuxu ka hortagaa xanuuno ku dhaco isha sida aragtida habaynkii oo yaraato iyo indho qalayl-ka .
2. Waxay xoojisaa Lafaha : waxa kujiro vitamin K aad ubadan oo ka qayb qaato samaysanka lafaha iyo aktiif (active ) gayaynta borotiinada ka qayb qaato dhisida lafaha sida (osteocalcin) sidoo kale waxa kujiro macdanta calcium .
3. Waxay kor uqaadaa caafimaadka Unugyada jirka : vitamin A kujiro wuxuu joogteeyaa badqabka unugyada loo yaqaan (epithelial cells) ee ku dahaaran xubnaha jirka
4. Waxay u fiicantahay dheefshiidka : waxa ku jiro maadada fiber-ka oo saacido dheefshiidka caloosha .
5. Waxay u fiicantahay Difaaca jirka : waxa kujiro vitamin A iyo vitamin C oo dowr muhiim ah ka qaato shaqada difaaca jirka .
6. Wuxu u fiicanyahay xinjiraynta dhiigga : vitamin K kujiro wuxu ka qayb qataa xinjiraynta dhiiga isagoo aktiif (active) ka dhigo cunsurada(factors) qaabilsan xinjirowga dhiiga.
Fadlan sii FAAFI faa’iidooyinkan
W; D: Dr faris Al attas
Hadalsame Media