YAAB: Ruushka oo barwo lagusoo xirayo u jaray garsoorayaasha Maxkamadda ICC

0

(Moscow) 19 Maajo 2023 – Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ruushka ayaa Jimcihii soo saartay barwo lagu soo xirayo Karim Asad Ahmad Khan, oo ah qareen Ingiriis ah oo hadda ku sime ah dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada (ICC) ee magaalada Hague.

Bishii Maarso, Khan ayaa wuxuu dalbaday in lasoo xiro Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin iyo Maria Lvova-Belova, oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Xuquuqda Carruurta, eedaymaha dembiyl dagaal iyo “masaafurin sharci darro ah” ee carruur laga qaaday goobaha laga haysto Ukraine kuwaasoo loo wareejiyey Ruushka.

ICC waxay raacday sheegashada xukuumadda Kiev ee ah daadguraynta Ruushka ee carruur ku sugnayd goobaha dagaalka taasoo ka dhigan in si khasab ah dadka loo qafaalay waana mid khilaafsan Axdiga Afraad ee Geneva.

Saddex maalmood kaddib ku dhawaaqista soo xirista Putin ee Khan, 20-kii Maarso, Guddiga Baarista Ruushka ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan dacwad oogaha, iyo sidoo kale seddex garsoore oo ICC ka tirsan kuwaasoo ansixiyey amarkiisa – Tomoko Akane, Rosario Salvatore Aitala iyo Sergio Gerardo Ugalde Godinez.

Hadalsame Media