SAWIRRO: NISA oo gacanta ku dhigtay walxaha qaraxyada laga sameeyo oo usoo degayey Shabaabka (Hal arrin oo muhim ah)

0

(Hadalsame) 19 Maajo 2023 – Ciidamada Nabad Suggida Somaliya, ayaa shalay gacanta kusoo dhigay laba shixnadood oo agab ciidan ah kuwaasoo ay ku raran yihiin walxaha qarxa, oo ay Shabaabku kala degayeen Dekedda Magaalada Muqdisho, ee Somaliya.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Maxamed Cali Gaas, oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in 10 Eedeysane lasoo qabtay kuwaasoo ay ku jiraan ganacsato sitay shati ay ku soo dejin karaan badeecooyinka.

Cali waxa uu sheegay in saraakiisha hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ay ku daba jiraan kooxaha argagaxisada ah ee dalka soo galiya shixnadaha noocan ah.

“NISA waxay la socotey dhaq-dhaqaaqa Shabakadda Argagixisadda ee ku sugan gudaha iyo dibedda dalka, ilaa ay iibsadaan badeecadaha, daabulidooda, soo dejinta iyo in ay gacanta u galiyaan maleeshiyada Al-Shabaab, waxay ku qariyeen agabkii ciidanka konteenar ay ku raran yihiin badeecado ganacsi” ayuu yiri Taliyuhu.

Waxa uu sheegay in 10-ka qof ee la qabtay horay loogu fasaxay inay wax soo dejiyaan balse ay ku takri falayeen xuquuqdooda si ay u fududeeyaan ganacsigan sharci darrada ah.

Arrintan ayaa hadba ku xirnaan doonta sida nidaam toosan oo aan leexleexad lahayn loo mariyo dadka howshan ku lugta leh.

Hadalsame Media