”Waan burburin doonnaa” – Shiinaha oo ka digey qorshe cusub oo uu Maraykanku ka hirgelinayo Taiwan

0

(Muqdisho) 17 Maajo 2023 – Milateriga Shiinaha ayaa wacad ku maray inuu “si adag u burburin doono” dhaqdhaqaaq kasta oo gooni u goosad ah oo ka socda Taiwan wuxuuna ka digey in kororka faragelinta Washington ee jasiiraddan iskeed isu maamusha ay abuurtay dhib halis ah oo ku aaddan xiriirka Shiinaha iyo Maraykanka.

Ciidanka Xoraynta Dadka Shiinaha (PLA) “waxay sii wadaan xoojinta tababarka iyo diyaarinta millateriga waxayna si adag u burburin doonaan nooc kasta oo ka mid ah madaxbannaani ka hanaqaadda Taiwan, taasoo ay wehliso isku dayga faragelinta dibedda, waxayna si adag u difaaci doontaa madaxbannaanida qaranka iyo sharafta dhuleed,” ayuu Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Shiinaha ee Colonel Tan Kefei u sheegay suxufiyiinta isagoo ku sugan magaalada Beijing.

Tan waxa uu hadalkiisa kaga jawaabayey qorshe Maraykanku daaha ka qaaday horraantii bishan, si uu 500 oo milyan oo doolar oo gargaar millateri ah u siiyo Taiwan.

Intaa waxaa dheer, Pentagon-ka ayaa la sheegay in ciidamo gaaraya 200 ay u dirtay jasiiradda si ay ciidankooda u siiyaan tababarro ciidan.

Hadalsame Media