”Maxaad u tiri waa isku kaadiyaan?” – Evra & Howlwadeenka Man City oo is dagaalay kaddib dhamaadkii ciyaarta (Daawo)

0

(Manchester) 18 Maajo 2023 – Halyeeyga Manchester United ee Patrice Evra ayaa waxay isku dhaceen shaqaalaha Manchester City kaddib guushii ay Blues ka gaartey Real Madrid oo ay ciyaareen nus-dhammaadka Champions League.

Daafacii hore, oo ku labisan suud wada casaan ah, ayaa ku sugnaa gegada Etihad isagoo u shaqaynayay khabiir TV ahaan habeenimadii Arbacadii xalay.

Laakiin Evra ayaa waxaa isku dhac garoonka dhexdiisa ku dhex maray tababarayaasha City kaddib markii la yeeriyey seerigii ugu dambeeyey ciyaarta, waxaana ku khasbanaaday inuu dejiyo caawiyaha macallin Pep Guardiola ee Manel Estiarte.

Evra oo 42-jir ah ayaa markii dambe u sheegay CBS Sports: “Wuu isoo eegay, wuxuuna yiri ‘tani adiga ayaan kuugu tala galnay! Tan adigaa iska leh!” ayuu yiri Evra, oo Estiarte la taagan meel u dhow saaxiibkii Man United, Rio Ferdinand iyo saaxiibbada ay BT Sport u wada shaqeeyaan.

“Sidaas darteed waan u soo dhowaaday oo aan waydiiyey sababta uu u xanaaqsan yahay, wuxuuna igu yiri ”maya sababtoo ah sannadkii hore waxaad ka sheegtay TV-ga in iyaga [City] ay cabsadaan oo isku kaadiyaan, taasina ay tahay sababta looga badiyey’, sanadkanna aysan taasi dhicin oo aysan cabsan.”

Hadalsame Media