”Brexit waa fashilmay” – Nigel Farage oo ahaa ninkii wax uga ololeeyey inay UK ka baxdo EU oo …..

0

(Hadalsame) 18 Maajo 2023 – Nigel Farage, oo ah xubin muhiim u ahaa aftidii Britain ee ka bixitaanka Midowga Yurub 2016-kii, ayaa ku dooday in Brexit “uu fashilmay.” Siyaasigii hore ayaa wuxuu ku eedeeyay wax uu ku sifeeyey “xildhibaanno aan faa’iido lahayn” inay gabeen dalka UK.

Isagoo la hadlayey barnaamijka Newsnight ee BBC, Farage – oo aasaasay xisbiga Brexit Party 2018-kii kaasoo ku salaysan Yurub nacayb iyo u doodista inaan ‘wax heshiis ah lala gelin’ Midowga Yurub – ayaa sheegay in damacyadii guud ee Brexit ay carqaladeeyeen siyaasiyiinta Westminster iyo Brussels.

Wuxuu ku andacoodey in tani ay keentay in UK ilaa hadda aysan arag faa’iidooyin dhaqaale oo la arki karo tan iyo markii ay ka baxeen Midowga Yurub. Farage ma sheegin sida ay UK faa’iido ugu yeelan karto in EU laga baxo heshiis la’aan.

“Brexit waxaa uu caddeeyey, sida aan ka baqayo, waa in siyaasiyiinteenu ay yihiin kuwo aan waxtar lahayn sida komishanka fadhiya Brussels. Si xun ayaanu u maaraynay Brexit gebi ahaanba,” ayuu Farage ku dooday xitaa markii loosoo bandhigay xog tilmaamaysa in ka bixitaanka mid ka mid ah ururrada ganacsi ee ugu awoodda badan adduunku uu saamayn xun ku yeeshay caafimaadka dhaqaale ee UK.

“Brexit wuu fashilmay. Tories [Xisbiga Conservative-ka] si aad iyo aad u xun ayay hoos noogu dhigeen.” ayuu Farage sii waday. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu intaa ku daray in aanu aaminsanayn in Britain ay maanta ku jiri lahayd xaalad dhaqaale oo wanaagsan haddii ay u codayn lahayd inay kasii mid ahaato Midowga Yurub.

Dhaqaalaha Boqortooyada Midowday (UK) ayaa hoos u dhacay maadaama aysan la xaalay oo kaliya dib-u-habaynta xeerarka ganacsiga Brexit kaddib, laakiin sidoo kale saamaynta masiibadii Covid-19 iyo xiisadda tamarta ee ka dhalatay dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Xog uu soo aruuriyey Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta (OECD) intii u dhaxaysey 2019-kii iyo dabayaaqadii 2022-kii ayaa waxay muujisay in Britain ay weli tahay dhaqaalaha kaliya ee dalalka hodanka ah ee ka yar – ama ka faqrisan – sidii uu ahaan jirey kahor masiibadii Covid-19.

Farage, oo diidey inuu meesha ka saaro kusoo noqoshada siyaasadda, ayaa weli ah madaxwaynaha sharafeedka Reform UK – oo urur midig ah oo ka dhigan xisbigii Brexit ee dib loo qaabeeyey dabayaaqadii 2020-kii.

Hadalsame Media