”Madaxaaga ayaan qarxinayaa” – Fernando Torres oo ay ka dheerdheeraatay laacib ay Liverpool isla ahaayeen (Daawo)

0

(Madrid) 16 Maajo 2023 – Fernando Torres ayaa kaarka cas loo taagey kaddib markii uu u hanjabay saaxiibkiisii hore ee Liverpool Alvaro Arbeloa intii lagu jirey ciyaartii da’yarta U19-ka, sida laga arkayo muuqaal cajiib ah oo la faafiyey.

Labadan nin ayaa labo sano iyo bar ku wada qaatay garoonka Anfield intii uu maamulayey tababaraha Isbaanishka ah ee Rafael Benitez.

Laakiin aad bay xaaladuhu uga kululaadeen galabnimadii Axaddii markii ay iskula dhaceen khadka laga galo garoonka.

Labaduba waa macallimiin heerka dhalinyarada wax ka layliya, iyadoo Torres uu wato ‘Atletico Madrid oo wajahayey kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid dhiggooda U19, oo uu maamulo Arbeloa.

Sida lagu daawada muuqaal online ah, Torres, oo 39 jir ah, ayaa casaan loo taagey kaddib markii uu riixay islamarkaana uu u dhaartay Arbeloa, isaga oo si cad aad u xanaaqsan oo dareen kulul muujinaaya.

Torres, oo si wayn loogu yaqaanney carada tan iyo waayihiisii ciyaareed, ayaa kaddib markii uu riixay 40-sano jirkan misna ku yiri; ”Madaxaaga ayaan qarxin doonaa”.

Hadalsame Media