DF Somalia oo shirkad kale oo AJNABI ah dacwad kusoo oogtey & Eedaha loo haysto

0

(Muqdisho) 16 Maajo 2023 – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyey dacwad ka dhan ah Shirkadda AUMOTAIVTE MANAGEMENT SERVICE iyo Maareeyaha ugu qaybsan Xafiiska Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray shalay oo Isniin ah xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shirkadda ajnabiga ah ku eedeeyey dhaqidda lacago sharci darro ah, canshuur lunsi iyo ku xadgudub sharciga shirkadaha dalka. Xafiiska ayaa ka codsaday Maxkamada Gobolka Banaadir inay muddayso dhegeysiga dacwada si dacwada loo ambaqaado.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in go’aanka eedaymaha lagu soo oogey ay ka dambaysey kaddib markii ay heleen eedaymo dembi ah oo ka timid muwaadiniin xiriir la leh shirkadda.

Sidoo kale waxaa looga digey dhamaan shirkadaha shisheeye ee ka howlgala Soomaaliya in ay u hogaansi waayaan shuruucda dalka u degsan.

Todobaadki hore uun bay ahayd markii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku uu Maxkamada Gobolka Banaadir soo taagay 36 Ajaanib ah oo lagu eedeeyey inay si sharci darro ah uga Kaluumaysanayeen biyaha Soomaaliya.

Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay eedAysanayaashan bishii hore iyagoo watay in ka badan 30 tan oo kalluun ah oo ay ka jillaabteen fasax la’aan biyaha Soomaaliya.

Hadalsame Media