FALANQAYN: Doorashada Turkiga iyo saamaynta ay natiijadu ku yeelan karto Soomaaliya iyo dalalka Islaamka

0

(Hadalsame) 16 Maajo 2023 – Wareeggii kowaad ee doorashada Turkiga ayaa shalay lasoo gabagabeeyay iyada oo wareegga labaad loo qaban doono labada musharrax ee isugu soo haray 14 cisho kadib – Racep Tayyib Erdogan oo matalaya xisbiga talada haya iyo Kemal Kilicdaroglu oo ah musharraxa matalaya isbahaysiga mucaaridka ah, haddaba waxaa doorashadan il gaar ah ku eegaya waddamada Islaamka, iyada oo la filayo in natiijadu ay saameyso xiriirka Turkigu la leeyahay waddamada Islaamka.

Kemal Kilicdaroglu ayaa ol’olihiisa ku ballan qaaday in uu dimuqraadiyadda xoojin doono isla markaana Turkiga uu saaxiibadiisii ku cilin doono, taas oo uu ula jeedo galbeedka, saas darteed haddi uu soo boxo Kemal waxaa la filayaa in uu isbaddel weyn ku yimaad nooca xiriir ee uu Turkiga la leeyahay waddamada bariga sida Ruushka oo uu la leeyahay xiriir ka diirran ka xulafadiisu (NATO) la leedahay iyo sidoo kale Shiinaha oo isna xifaaltan siyaasadeed oo ganacsi ku salaysan kala dhexeeyo Maraykanka balse Turkigu la leeyahay xiriir dabacsan.

Balse halka isha lagu wada hayo ayaa ah, Waddamada Islaamka siiba kuwa bariga dhexe oo uu xiriirka ay Turkiga la leeyihiin soo wanaagsanaan hayey dhawaantan, xilli uu wada hadal u bilowday Turkiga iyo Masar oo iskagasoo hor jeeday kalana taageerayay dhinacyadii ku dagaalamayey Libya.

Xiriirka uu Turkigu la leeyahay Imaaraatka iyo Sucuudiga ayaa isna la hagaajiyey xilli Suuriya ay dib ugusoo laabanayso ka mid noqoshada Ururka Carabta ka dib markii ururkan laga saaray 2011 kii.

Turkiga iyo dalalka Islaamka

Dr Daahir Xuseen Caddaawe

Qoraalka sawirka, Dr Daahir Xuseen Caddaawe wuxuu haystaa shahaadad PHD ee Taariikhda iyo Siyaasadda Islaamka, wuxuuna la shaqeeyay wasaaradda dhaqanka iyo Dalxiiska turkiga

Haddaba madaxweynaha hadda ee Turkiga iyo xisbigiisa oo labaatan sano xukumayey dalkan ayaa “shacbiyad badan ka samaystay Muslimiinta caalamka” sida uu qabo Dr. Daahir Xuseen Caddaawe oo shahaadad PHD ee Taariikhda Islaamka iyo Siyaasada ka haysta jaamacadda Erciyes ee dalka Turkiga isla markaana lasoo shaqeeyay wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska ee dalkaasi, haatanna bare ka ah Jaamacadda Muqdisho.

Dhanka kale Erdogan ayaa sida uu qabo Dr Daahir “Dadka Muslimiinta ah xoogoodu waxay u arkaan inuu yahay hogaamiye weyn oo u dooda dhammaan xuquuda Muslimmiinta iyo dawladaha Muslimiinta oo matala,” saas dartedna waxa uu sheegay in ka sokow shucuubta Muslimiinta ah, ay dawladaha Islaamku si dhow ula socdaan doorashada Turkiga, “sabatoo ah haddii uu is baddelo xukunka Turkigu oo labaatan sano dawladdii ay xiriirka la lahaayeen oo marna fiicnaanayey marna xumaanayey ay meesha ka baxdo oo dawlad kale iyo xisbi kale la doorto, aan la garaneyn halka ay aadeyso siyaasadda Turkigu,” ayuu Dr Daahir ku tilmaamay sababta ay dawladaha Islaamku isha ugu hayaan doorashada Turkiga.

Kemal Kilicdaroglo iyo isbahaysigiisa ayaa lagu diriyaa isaguna qirtay in uu siyaasadda reer galbeedka waafaqi doono sidaas darteedna waxaa la filayaa sida uu qabo Dr. Daahir in haddi uu Kemal soo boxo “xiriirka Turkiga iyo carabtuu uu daciifi doono isla markaana indhaha Turkigu ay xagga Galbeedka u jeedsan doonaan,” ayuu yiri Dr Daahir.

Waxaa lagu dhawaaqay in wareeg labaad loo gudbay maadaama ay ku guul darreysteen labada musharrax ee ugu sarreeya in uu midkoodna hanto codad boqolkiiba kontan ah 50% oo hal cod lagu dara balse kuraasta baarlamaanka ayey aqlanbiyadda heleen xisbiga talada haya ee Erdogan, saas darteed wuxuu Daahir sheegya in haddii uu madaxtinimada ku guuleysto Kilicdaroglu uu ” Turkigu wejihi doono siyaasad degganaan la’aan ah.. baarlamaankii oo gaar ah iyo madaxweynihii oo gaar ah,” ayuu yiri Dr Daahir.

Muddooyinkii u dambeeyay Turkiga ayaa aad uga dhex muuqday dalalka Islaamka Sida Suuriya oo deris la ah taageerana uu siinayey jabhadda xorta ah oo dagaal kula jirta Madaxweyne Bashaar Al Asad , Ciraaq oo ku beegsado daacish iyo kooxaha uu Turkigu u aqoonsan yahay argagixisad iyo Liibiya oo uu taageero shiinayey dawladda dagaalka kula jirta Jenaraal Xaftar.

Hase yeeshee Kemal iyo isbahaysigiisa ayaa aaminsan in Turkigu ku bixinayo dhaqaale badan oo aan loo baahnayn waddamadaas iyo kuwa kale, saas darteedna waxaa la filayaa in uu yarayn doono taageerada Turkiga ee ku baxda waddamadan. “Waxay ku doodayeen ol’olahooda, maxaa naga yaal Liibiya iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Dr daahir.

Sida uu sheegya Dr daahir, Isbahaysigan Kemal ayaa aaminsan in Turkigu uusan tartan awoodeed la gelin dalal kale sidaas darteedna uu ka maqnaado goobaha dagaallada ee ka baxsan gudaha Turkiga.

Soomaaliya iyo Turkiga

Abdibasid Mohamed Abdurahman

Qoraalka sawirka, Abdibasid Mohamed Abdurahman waa aqoonyahan iyo siyaasi falanqeeya siyaasadda Bariga Afrika iyo waddamada Carabta

Dhanka kale waxaan si gaar ah wax uga weydiinnay Dr Daahir iyo Cabdibaasid Moxamed Cabdurraxmaan oo isagu ah aqoonyahan iyo siyaasi falanqeeya siyaasadda Bariga Afrika iyo waddamada Carabta, saameynta ay natiijada doorashadani ku yeelan karto xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, waxayna labaduba aaminsan yihiin in haddi uu soo boxo Kemal Kilicdaroglu ay Soomaaliya waayi doonto taageerada Turkiga amaba ugu yaraan ay hoos u dhici doonto.

Cabdibaasid oo aaminsan in aanu Turkigu baahi gaar ah u qabin Soomaaliya marka laga tago “cilaaqada istiraatijiyadeed ee fog ma ahane,” ayaa sheegay in Turkigu taageero dawladda Soomaaliya, miisaaniyaddeeda uu kabo, “qiyaastii shan milyanna” lagu kabo bishii, waxaanu ku tilmaamay in ay tahay xiriir dhanka Madaxweyne Erdogan ka yimid oo anay Soomaalidu codsan.

Balse haddii uu meesha ka boxo Erdogan “xiriirkaas oo dhan in uu meesha ka baxayo ayaa la rumeysan yahay, waxyaabaha lagu eedeeyo ee lagu dhaliilo ee mucaaridku ku dhaliili jireenba taasay ahayd, oo miisaaniyado iyo lacaga uu ku bixiyey dalal kale,” ayuu yiri Cabdibaasid. “Xiriirkaas oo dhan waxaa la filaya in la qaboojin doono amaba uu istaago doono.” Ayuu sii raaciyey Cabdibaasid Moxamed Cabdurraxmaan oo BBC-da u warramayey.

Nooca xiriir ee uu noqon karo haddi erdogan meesha ka boxo ayuu Cabdibaasid ku tilmaamay mid la mid ah kan ay hadda Soomaaliya la leedahay dalalka “Ingiriiska, Talyaaniga faransiiska iyo Jarmalku la leeyihiin soomaaliya, oo ah xiriir diblomaasi oo xaddidan,” ayuu sharaxay isaga oo tilmaamay in xiriirka dhaqaale iyo bulsho uu meesh ka bixi doono.

Cabdibaasid ayaa tilmaamay in ay Soomaalidu aad u taageerto Erdogan isaga oo sheegay in magaalada Muqdisho oo uu ku sugan yahay ay dadku aad ula socdaan doorashada Turkiga, waxaanu u sababeeyay in Turkigu uu noqday “buundada Caalamka iyo Soomaaliya isku xirta iyo abartii 2011 oo uu usoo gurmaday xaaladana si caadi ah kusoo celiyey,” ayuu yiri Cabdibaasid.

Si kastaba ha ahaatee natiijada kasoo baxda doorashada Turkiga ayaa si weyn loo wada dhowrayaa iyada oo waddamada quwadaha caalamku ay si gaar ah u daneynayaan, suurta galna ay tahay in haddii Kemal Kilicdaroglu soo boxo siyaasadda Turkigu gebi ahaanba weji kale yeelato.

BBC

Hadalsame Media