Haddii uu MW Xasan doonayo inuu ka dhabeeyo ilaalinta hantida ummadda ha qaado LABADAN tillaabo

0

(Hadalsame) 16 Maajo 2023 – Madaxwayne Xasan Shekh haddey dhab ka tahay ilaalinta hantida ummadda ha qaado labadaan talaab:

1) Dowladda ha soo saarto sharci qofkii lunsada hantida ummadda in la gooyo gacanta midig. Maxamed Siyaad Barre (aun) intey talada gacantiisa ku jirtay wuxuu soo saaray xeer dil ah qofkii lunsada hantida ummadda, sidii looga kala cararay hantida ummaddana waa la ogaa.

2) Ha la baaro qof kasta oo xil qabtay lacagaha uu dhigtay bankiyada dalka gudigiisa iyo dibaddiisa iyo halka uu ka keenay, laga soo bilaabo sannadkii 2000. Waxaa jira hey’do ka shaqeeya dabagalka lacagaha la lunsado.

Haddaan labadaa qodob la helin hadal waxba soo kordhin maayo, qof u bareeray inuu hantida masaakiinta iyo agoomaha dhacana la hadlid iyo u caqli celin inuusan aqbaleyn xataa caruurta ayaa fahmi karta ee yaan ummaddaan masaakiinta ah dhaca logu darin marin habaabin.

W; Q: Cali C. Cosoble

Hadalsame Media