Kooxda Inter Milan oo muujisay arrin murugo ku haysa kulanka habeen dambe ay Milan la leedahay

0

(Milano) 15 Maajo 2023 – Hadal laga sheegay shirka jaraa’id ee Simone Inzaghi, ayuu tababaraha Nerazzurri waxaa uu kaga hadlay arrin murjinaysa lugta 2-aad ee wareegga nus-dhamaadka CL ee ay la leeyihiin kooxda ay isku magaalada yihiin ee AC Milan.

Inter Milan ayaa ciyaarta bandarkeeda taagan kaddib markii ay 2-0 ugasoo adkaatay kooxda ay deriska yihiin, balse Inzaghi ayaa ka hadlay arrin uu sheegay inay tahay utun ku taagan.

Waa xaqiiqada ah in kulanka habeen dambe uu garsoori doono oo uu seeriga u sido garsooraha reer Faransiis ee Clement Turpin isagoo ka hadlayana wuxuu yiri macallinka Inter:

“Dhab ahaantii ma jirto wax dhibaato ah, balse saaxiibbo ayaa igu wargeliyey in loo magacaabay garsoore Faransiis ah Milan ay ku jiraan afar ciyaaryahan oo Faransiis ah… Blase dhib ma jiro waan ku kalsoon nahay,”

Sandro Tonali , oo isaga oo dhinac fadhiya macallinka Milan arrintan ay waydiiyeen weriyeyaashu ayaa isaga oo qoslaya ku kaftamay: “Waxaan u baahan nahay garsoore aan dalna u dhalan”.

Hadalsame Media