Kooxaha EPL & Barca oo durba dhaqdhaqaaq ka wada suuqa kala iibsiga (Man United oo u dhow laacib muhim ah & Kooxaha kale)

0

(Hadalsame) 15 Maajo 2023 – Kooxda Man United ayaa inkastoo heshiiska David de Gea uu u muuqdo mid la xalliyey, misna lagu soo warramayaa inay weli doonayso inay keensato goolhaye kale xagaagan.

Gregor Kobel oo u ciyaara Borussia Dortmund ayay xiisaynaysaa kooxda Premier League, United ayaana la sheegayaa inay ka fiirsanayso inay dalab ka gudbiso 25 jirkaan.

Dhanka kale, Man United ayaa isha ku haysa inay goor hore soo gabagabayso iibsigii ugu horreeyey ee xagaaga waxaana lagu soo warramayaa inay ku dhowdahay inay heshiis la gaarto daafaca Napoli ee Kim Min-jae. Xiddigga South Korea ayaa loo riyaaqay ololihii ugu horreeyey ee Serie A.

Sida horay loo sheegay, Adrien Rabiot oo khadka dhexe uga dheela Juve ayaa waxaa si aad ah isna loola xiriirinayaa u dhaqaaqista xagaaga ee dhanka Manchester United.

NEWCASTLE – Sida aan horay usoo sheegnay, Newcastle ayaa la filayaa inay mar kale LACAG kharash garayso xagaagan, waxaana lagu soo warramayaa inay isha ku hayaan laacibka Dominik Szaboszlai ee RB Leipzig.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Hungary ayaa dhaliyey 18 gool 88 kulan oo uu u saftay kooxda Bundesliga labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyey.

Magpies ayaa sidoo kale indha-indheeyayaal usoo dirtay si ay u daawadaan qaab ciyaareedka Szoboszlai waxana 22 jirkan la sheegay in qandaraaskiisa lagu burburin karo £61 milyan ginni, sida laga soo xigtey Sky Germany.

Newcastle ayaa sidoo kale ku dhow inay heshiis la gaarto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Conor Gallagher. Kooxda Eddie Howe ayaa doorbidaysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahan khibrad u leh Premier League, waxaana ay bilaabeen inay diyaariyeen heshiis ay la gaaraan xiddigga reer England.

MAN CITY – Man City ayaa IYANA isha ku haysa laacibka khadka dhexe ee Mateo Kovacic – iyadoo afar xiddig oo Chelsea ah ay doonayaan inay ka tagaan – halka Everton ay doonayso weeraryahanka dheereeya ee Almeria iyadoo ay ku haysato Aston Villa.

BARCA – Iyagoo haatan uun ku guulaystey horyaalka La Liga kaddib guushii Espanyol ee shalay, Madaxwaynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa ku adkaystay in kooxdu ay diyaar u tahay inay wax walba ku bixiso si loo xaqiijiyo soo laabashada Lionel Messi ee Nou Camp.

Hadalsame Media