Dagaal ka socda Garoowe, cidda ka dambaysa iyo sababta dagaalka ka dambaysa

0

(Garoowe) 16 Maajo 2023 – Magaalada Garoowe oo uu ka socdo dagaal la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, dagaalka ayaa ka qarxay agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe.

Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in iska hor imaadku u dhaxeeyo ciidamo kuwa daraawiishta ah ee ka soo baxay magaalada Laascaanood oo taageersan koox siyaasadeedka awooda badan ee AARANJAAN iyo kuwa Madaxtooyada Puntland ee taabacsan Madaxwayne Siciid C/laahi Dani.

Warar kale ayaa sheegaya in dagaalku ka dhashay sanaadiiq kuwa doorashada ah oo la doonayay in la geeyo goobaha codbixintu ka dhacayso.

Kooxdan kasoo horjeeda doorashada lagu wado in ay 25 ka bishaan qabsoonto ay ka horyimaadeeen kuwii galbinayey sanaadiiqda codbixinta.

Wixii warar intaa ka dheer halkaan nagala soco….

W; D: Xasan Cadde

Hadalsame Media