Ilmo eeday aabbe aragti yar iyo eeddo arxan daran (Sidee looga gaashaaman karaa arrimahan oo kale?)

0

(Hadalsame) 15 Maajo 2023 – Aabbe aragti yar iyo eeddo arxan daran.

Cuqubooyinka ina haysta waxaa ugu daran tacaddiya sida maalinlaha ah uga dhaca guryeheenna dhexdooda, kuwaas oo aan inta badan laga soo saarin shuruuc adag oo xal loogu helayo.

Waa tacaddi in haddii waalidku kala tagaan ay ilmaha u adeegsadaan hub ahaan. Hooyada iyo aabaha kala taga waxaa fiican in goob maxkamadeed ay ku kala tagaan si ilmahaas yar yar masuuliyaddoodu aanay u dayacmin, oo aabuhu hadduu dhaho anaa haysanaya barri loogala xisaabtamo haddii dhib gaaro hooyadana sidoo kale.

Aabeyaal badani inta ay isleeyihiin haweenayda ku xumee, waxay ka qaataan ilmaha, kadibna wuxuu u geeyaa haweeney uu qabo ama uu kadib guursado, halkaas oo dayac iyo dacdarro fara badani ka dhalato.

Waxaase la yaab ah, haweeneyda qarnigaan nool ee ilma yar oo saqiira oo aan waxba galabsan oo ninkeedy dhalay dilaysa, gubeysa, ciqaabaysa ama nolosha ku silcinaysa!

Waa urugo hor leh dhacdada Xamar ka dhacday ee haweenaydu ku dishey labada ilmood ee ay eeddada/aayada u tahay, waliba wiilkii dhintay gabadhiina laga badbaadiyey.

Inta maalin walba xaq laga gelayo inta aamusan ee aan tabarta lahayn ee carruurta iyo haweenku ugu horreeyaan sidaas dhaami mayno, waliba innagoo dad muslim ah oo kala garanayna wixii xun iyo wixii san diiniyan.

Arrintaan tacaddiga awlaadda waa in laga hawlagalaa waliba culimmada iyo dawladda oo wada socdaa ka hawl galaan sharci xaqa ilmahaas ilaalinayana kasoo saaraan.

Codkaaga Ku Biiri!

W; Q: Nasro Cabdirisaaq

Hadalsame Media