Filimka Ayaanle oo Soomaalida HIILLO macquul ah u sameeyey (Meesha aan la dhacay?)

0

(Hadalsame) 13 Maajo 2023 – Xalay waxaan daawaday filimka AYAANLE oo la soo geliyay shabakadda Netfilix. Maadaama filimka lagu jilay Kenya, waxaan is lahaa filimku wuxuu ku hagoogan doonaa ceebaha iyo tacaddiyada tirabeelka ah ee ay Soomaalidu ka la kulanto askarta Kenyaatiga ah, balse si aan gambasho lahayn ayuu filimku u gudbiyay musuqa iyo laaluushka ay askarta Nairobi ku handadaan qofka Soomaaliga ah.

Wiil yar oo ka dhashay qoys sabool ah ayuu ka warramayaa. Hammiga uu nolosha ka lee yahay waa in uu noqdaa jilaa caan ah. Balse marka dambe waxay duruufuhu ku dhextuurayaan badweyn uusan ku talagelin.

Waa sida mar walba dhacda oo qofka Soomaaliga ah ficilladiisa iyo fikradihiisa inta badan waxaa xukuma waaqica qaraar ee faqriga ku daaban. Saboolnimada qofka iyo rabitaanka wixii uu ku hamminayay oo xiiso ku haya waxay soo dedejiyaan in uu qofku u hoggaansamo waddooyin aanan ka soo laabasho lahayn.

Meelaha ilqabadka leh ee aan la dhacay waxaa ka mid ah marka Ayaanle la xiro ee uu askariga laaluush-qaataha ah lee yahay iska bixi 100 kun oo Kenyan shiling ah. Wuxuu Ayaanle lee yahay lacagtaas hooyadeey xitaa soo ma gasho bisha dhan. Wuxuu askarigii lee yahay sow adigu Soomaali ma tihid!
Macnaha qofku haddii uu Soomaali yahay lacag ma ba waayi karo.

Meesha kale ee uu dareenka badan ku muujiyay waa marka uu askariga Soomaaliga ah ee la shaqeeya dharcadda Kenya uu inta xanaaqo uu lee yahay annaga dhan Kenyaati ayaan nahay, balse marka qarax dhaco waxaa billaabata cunsuriyad aad Soomaalida ku bartilmaameedsataan.

Guud ahaan sheekada waxaa loo weriyay si dhammaystiran oo uu iska dhex arki karo qofkii mar ku soo noolaaday Nairobi.

Wuxuu filim-sameeyuhu caddaalad fiican u sameeyay iibgeynta sheekada qofka Soomaaliga ah ee markii hore laga gudbin jiray sawirka foosha xun.

W; D: Akhwaan Jidhi

Hadalsame Media