”Waa Soomaaligii ugu horreeyey oo…” – Laacib Soomaali ah oo rikoodh cusub ka dhigay dalka Ingiriiska & Heerarka uu soo maray

0

(London) 11 Maajo 2023Da’yarkii hore ee Liverpool, Cabdi Shariif, ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey kusoo gabagabeeyey kooxdiisa Wigan Athletic, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey ee Soomaali ah oo abid ka qaybgala Horyaalka Kubadda Cagta Ingiriiska ee heerka labaad.

Wadada Shariif u maray guushan taariikhiga ah waxay soo bilaabatay markii isaga iyo qoyskiisu kasoo guureen Soomaaliya oo ay degeen Toxteth. Isaga oo kaliya lix jir ah, wuxuu ku biiray akademiyaha Liverpool wuxuuna koray darajooyin kala duwan, isagoo xitaa u ciyaarayay kooxdii Steven Gerrard ee ka yar 18-jirrada.

Liverpool ayaa fasaxday Sharif 2021-kii isaga oo aan kasoo muuqan safka kooxda waawayn. Isaga oo aan niyad jabin, waxa uu la saxeexday Wigan bishii Juun isla 2021-kii kaddib markii uu wax ka badan hal sano ku qaatay naadi la’aan.

Markii ugu horreeyseyna waxaa uu u ciyaaray kooxda da’doodu ka yar tahay 21-jirka, Sharif waxaa kale oo uu khibrad sare oo kubbadda cagta ah ka helay intii uu amaahda gaaban kula joogey Telford United.

Dib ugu laabashada Wigan ee League One bishii Abriil waxay siisay maamulaha Shaun Maloney fursad uu ugu dhex daro da’yarta kooxda koowaad. Sharif ayaana saftay kulankiisii ugu horeeeyey oo taariikhi ah isagoo badal ku soo galay barbarro 0-0 ah oo ay la galeen Rotherham maalintii ugu dambaysey ee xilli ciyaareedka Heerka Labaad ee Championship.

Hadalsame Media