Rafael Leao oo xalay sameeyey arrin aan looga baranin intii uu daawanayey ciyaarta

0

(Milano) 11 Maajo 2023 – Rafael Leao ayaa tarabuunka ka daawanayey kulankii ay Inter 2-0 ku garaacday kooxdiisa  Milan lugtii hore ee semi-finalka Champions League meel u dhow Zlatan Ibrahimovic wuxuuna u muuqdey mid la yaabban goolashii deg degga ahaa ee Nerazzurri.

Weeraryahanka reer Portugal ayaa ka maqnaa ciyaartii waynayd ee ka dhacday San Siro Arbacadii xalay sababo la xiriira dhaawac muruqa ah.

Halyeeyo isboorti oo badan ayaa ku sugnaa Stadio Meazza xalay, kuwaasoo ay ku jiraan xiddigga tennis-ka Novak Djokovic oo AC Milan taageera iyo halyeeyga Inter iyo ku guulaystaha Champions League Samuel Eto’o.

Leao ayaa dhoollacaddaynayey markii uu sawirro la gelayey labada ciyaaryahan kahor inta aysan bilaaban ciyaarta, laakiin markii dambe xiddigga Rossoneri uma faraxsanayn sidii looga bartay markii uu arkay kooxda ay isku magaalada yihiin oo labo gool dhalisay 11-kii daqiiqo ee furitaanka ciyaarta.

BT Sport ayaa xitaa soo qoray in Rafael Leao uusan ku raaxaysanaynin daawashada ciyaarta. Leao ayaa ah nin inta badan dhoollacadeeya.

Hadalsame Media