“Wuxuu ku fadhiyaa kursi xun oo uu kartoon iska xijiyey!” – Qiso qurbaha ku qabsatay siyaasi Somalia caan ka ahaa oo xoolo badan dhacay (Waa kee?)

0

(Hadalsame) 13 Maajo 2023 – Wuxuu fadhiyaa kursi ku yaal waddo dhinaceed oo uu qoyaankiisa kartoon iska xejiyey. Waa dhaxan. Waa 10-kii subaxnimo.

Nolosha xiise badan uma hayo oo wuxuu rumaysan yahay inay soo dhawdahay maalintii uu adduunkan ka tegi lahaa. Maalmaha tirsigoodu micne uma sameeyaan oo ma jirto maalin uga duwan maalin kale.

Dhulkii uu ku dhashay ee Soomaaliya dhawr kun oo kiiloomitir ayuu ka fog yahay. Dhacdooyinka waddankii ka dhacaya ma waraysto haddii loo sheegana jawaab kama celiyo. Dadka hor marayaa ma soo eegayaan oo danahooda ayay ku yihiin mashquul. Isaguna dadkaas lama hadlo oo maba af yaqaan.

Soddon sano ka hor nolol buuxda ayuu noolaa. Isbeddellada waddanka ka dhacaya gacan muhiim ah ayuu ku lahaa. Raggii ay siyaasadda isku hayeen wax yar ayaa hadda ka nool.

Hanti badan oo siyaasadda ka soo gashay waxaa ka haray laba guri oo aan muddo la dayactirin. Isagu wuxuu hadda ku nool yahay guri ay dejisay dawladda uu qaxootiga ku yahay.

Inkastoo uu waagii hore ku raaxaysan jiray in isaga la hadal hayo oo meeshuu tagaba loo istaago, hadda ma jecla in la xusuusiyo maalmahaas. Waayo waxba kama hayo. Hanti uu xalaalnimadeeda u macaansado ma hayo.

Waxqabad muuqda oo ka haray masuuliyaddiisii siyaasadeed ma hayo. Awood uu maanta wax ku saxana ma hayo. Hadalladiisii iyo khudbooyinkiisii loo sacabin jiray waxay raaceen dabaylihii 30 sano ka hor dhacayey oo micne iyo waxtar kama harin.

Maalmo uu soo noolaa, oo uu waqtigoodii ku faraxsanaa, ayaa waxaa maanta u sawirma inuu la mid ahaa sidii ilmo afar jir ah oo boodboodka iyo ciyaarta ku faraxsan, ilmaha kalena kula faraxsan yihiin, oo markuu daalo iska seexda, waaga beryana ku illaawa ciyaartii shalay. Ciyaarta ilmaha ayaanba ceeb iyo welwel reebin. Waa kee?!!

Waa maalin kulligeen na sugaysa.

W; Q: Cabdulqaadir Diiriye

FG: Sheekadu waa mala awaal

Hadalsame Media