Tirakoob la sameeyey oo lagu ogaadey farqi u dhexeeya AC Milan & Inter oo caawa ballansan (Juventus oo…)

0

(Milano) 10 Maajo 2023YouTrend ayaa samaysay sahan ama tirakoob ku saaban kulanka Euroderby-ga caawa ee ka dhacaya Milano waxaana lagu eegayaa labada kooxood ee AC Milan iyo Inter toodi ugu taageero badan gobolka Lombardia iyo Milano.

Magaalada Milano waxa ay 22% dadku ay taageeraan kooxda AC Milan, halka Inter ay ku joogsatey 15%, taasoo wax yar ka sarreeysa inta Milano ka taageerta Juventus (13%).

Markaa kaddib waxaa jira 5% dadka ka mid ah oo taageera kooxaha kale ee Talyaaniga iwm iyo 45% soo haray oo aan gebi ahaanba raacin kubada cagta ama aan taageersanayn kooxaha kubadda cagta.

Gobolka Lombardia markii intiisa kale la eego, farqiga u dhexeeya tartamayaasha caawa ee Milan iyo Inter waa uu sii yaraanayaa: AC Milan xaqiiqdii waxaa taageersan 15% dadka Lombardia ah oo ah midka ay caasimadda u tahay Milano, halka Inter ay taageeraan 12%.

Hadalsame Media