“Waxaa naloo diray inaan soo dilno nin abti iigu aaddanaa!” – Qiso dhab ah oo ku saabsan dhaqan liita oo ay Soomaalidu ilaa maanta daba socoto

0

(Hadalsame) 10 Maajo 2023 – “Anigoo yar ayaa aabbahay waxaa dilay reer kale oo aan degaan wadaagnay. Markaan soo hanaqaaday ayaa maalin reerkeennu shiray. Waxaa la yiri “dhiiggii Xuseen lama illaawi karo.”

“Aniga iyo saddex nin ayaa hub nala siiyey oo naloo sheegay in ninka aabbahay u dhigma uu yahay nin aabahay abti u ahaa. Ninkii gurigiisii ayaan waqti Casar gaab ah nimi. Wuu na gartay oo gogol fiican noo dhigay oo markiiba wan weyn noo qalay.

“Dibedda annagoo weli fadhina ayaa roob yimi. Wuxuu noo dhisay aqal laba daryaale ah oo aan roobka ka galno. Xooggii roobka ayaa aqalkii soo dhaafay oo wuu soo darrooray. Wuxuu haddana noo keenay hargo iyo gogol qurxoon oo dusha naga saaray si aan maryuhu nooga qoyin.

“Dhulku baraago ma lahayn oo biyuhu ma qabsoomayn marka xoolihii ayaa biyihii lagu sii daayey si intaanay dhulka u gelin ay u cabbaan. Waxaan is niri waa waqtigii ugu habboonaa oo aad ninka dili lahaydeen.

“Anigaa qoriga xabbaddu iigu jirtaa oo qorshuhu ahaa inaan gacanta lahaado. Markaan soo kacnay ayaan iri “War ma ninka darroor noo quuri waayey ayaan xabbad u quurnaa, haddaanse dilo, aabahay ma ii soo noolaanayaa!” Nin ayaa igu yiri nacasnimada awalba waa kugu ogaa.

“Nin kalena wuxuu yiri “mayee wallaahi adigaa naga caqli badan.” Aqalkii ayaan ku noqonnay. Casho iyo hurdo wanagsan ka dib, subixii ayuu caano geel na siiyey. Waagaas shaah lama aqoon.

“Waan u tegey oo waxaan iri awal waxaan u socdey inaan ku dilo oo qoriga xabbadu waa iigu jirtey. Laakiin markaad darroortii noo quuri weydey ayaan annaguna xabaddii kuu quuri weyney.

“Hadda waxaan doonayaa inaad gabar i siiso oo aad aabbe ii noqotid. Wuu i dhunkaday oo gabar markaa labo jir ahayd i yiri waa ku siiyey.

“Markaan guryihii ku noqonnay dadkii na soo diray waa nagu raaceen in sida aan yeelnay ka fiican tahay dilkii. Gabadhii markay 17 sano jirsatay ayaan is guursannay. Waxay ii dhashay 14 carruur ah.”

FG: Waxaa ka qisooday Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo cimrigiisa ku dhammaystay inuu nabad ka shaqeeyo. Maantoo kale 10-kii Maajo 2019-kii ayuu ku geeriyooday Hargaysa. Ilaahay ha u naxariisto.

W; D: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media