Rudiger oo xalay sameeyey arrin ay qish ka qaadan karaan daafacyada EPL ee ku dhibban Haaland (Daawo)

0

(Madrid) 10 Maajo 2023 – Daafacyada Premier League ayaa xilli ciyaareedka oo dhan ay ku qaadatay sidii ay u joojin lahaayeen Erling Haaland – waloow ay guul badan taa ka gaarin.

Laakiin waxaa laga yaabaa inay warqad ka jeexdaan buugga Antonio Rudiger kaddib markii daafaca kooxda Real Madrid uu qabtay shaqo aad u fiican oo ay aamusiisay qannaaskii Manchester City habeenkii Talaadada.

Kaliya maahayn la tacaalidda daafacan Jarmanka ah, filashada tilaabadiisa xigta iyo raacista tan xaqiijisay in wiilkan 51-gool dhaliyey ee Haaland uu maro habeen naadir ah oo la aamusiyey, laakiin sidoo kale wuxuu daafacu adeegsanayey farshaxan iyo xeelado aan sax ahayn.

Muuqaal laga duubay tarabuunka Bernabeu intii lagu jiray semi-finalka Champions League, lugtii hore ayaa muujinaya Rudiger oo si ula kac ah uga xanaajinaya Haaland markii uu wiilka City ugu dhegey sidii xabagtii.

Rudiger ayaa taabanayey kilkilaha Haaland oo uu cududdiisa ugu duubay sidii isagoo samaynaya raacista ciyaarta rugby-ga.

Hadalsame Media