“Ha isku dayin hirgelinta wax aan la aqbalayn” – MW Xasan Sh oo ka horyimid qorshe uu wado MW Puntland

0

(Muqdisho) 05 Maajo 2023 – Madaxwayne Xassan Shiikh ayaa maanta khudbadiisii Jimcaha ku dhaliilay siyaasadda madaxwaynaha Puntland Siciid C/laahi Dani ee ku aadan Doorashooyinka Puntland.

Madaxwaynaha ayaa xusay in aanay ahayn markii ugu horreeysey ee la isku dayo in laga hirgaliyo deegaanada Puntland doorasho qof iyo cod ah, balse hore loogu guuldaraystay.

Madaxwaynaha ayaa ka digay in Madaxwayne Siciid Dani iyo Xukuumadiisu ay isku dayaan in ay hirgaliyaan doorashooyin aanay raali ka ahayn bulshada reer Puntland.

Waxaa uu intaasi ku daray in madaxda Puntland ay ka feejignaadaan talaabo kasta oo khal khalgalin karta nidaamkii horey Puntland ugu soo caano maashay mudada rubuc qarniga ku dhaw.

Madaxwaynaha ayaa hoosta ka xariiqay waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaray nabadgalyada iyo geedi socodka hirgalinta doorashooyinka Puntlqnd iyo dawladaha kale ee xubnaha ka ah dawladda FS.

Madaxwaynuhu waxaa uu fariin u diray hogaamiyayaashii hore ee Puntland ee xilalaka sare ka soo qabtay dawladda dhexe ee Soomaaliya in ay qayb ka noqdaan nidaam dhibaato u horseedi kara hanaanka demoqoraadiyadeed ee shacabka iyo dawladnimada Puntland.

W; D: Xasan Cadde

Hadalsame Media