4 talo oo TAATIKADA ciyaarta ah oo la siiyey Xulka Somalia si ay CAAWA iskaga dhiciyaan Senegal (Daawo)

0

(Algiers) 05 Maajo 2023 – Xulka Somalia ayaa sanadkii ugu horreeyey ka qaybgelaya Koobka Qaramada Afrika ee Junyarka ee U17-ka, balse waloow ay soo bandhigeen ciyaar aan runtii xunayn, misna waxaa lagu dhaliilay inay taatiko ahaan yara liitaan oo uu yar yahay ka warqabkooda ciyaarta iyo qorshaha ay ku wajahayaan qof ahaan iyo koox ahaanba.

Haddaba, Siciid Cali ayaa falanqayn dhanka taatikada ah ku sameeyey Xulka Senegal, wuxuuna ku baaqayaa inaan ka foojignaanno cayaarta Senegal ee caawa, maadaama ay nagu ciqaabi karaan wixii khalad ah.

Wuxuu tusmeeyey ilaa seddax talo oo ay tahay inay maanka ku hayaan marka ay caawa wajahayaan Senegal oo ay ugu yaraan dhibici nooga xiran tahay, maadaama laga badiyey Cameroon oo kaalinta seddaxaad nagu haysatey. Waxaa ka mid ah:

1 – In aynaan isku qadimin oo aan taxaddarno.
2 – In aynaan banooniga kor u qaadin ama bugayn.
3 – In aan khalkhalka difaaca iska ilaalino marka ay press nasoo saarayaan.

4 – Banooniga 50/50 ah in aan is adkayno oo diyaar u ahaanno jir ahaan maadaama la la is gelayo.

”Hadii qodobada aan kor kusoo sheegney mid ka mida aan khaladaadkiisa badino waa noo dhamaatay,” ayuu yiri Siciid Cali.

”Waan ogahay inaan dhallinyaradeennu u diyaarsanayn cayaarha noocan ah, laakiin waa dadaali karnaa intii awoodeenna ah insha Allaah.” ayuu raaciyey isagoo sidoo kale tusmeeyey in dhallinyarada Soomaalidu ay ku dhibban yihiin garoon cowska oo aysan u baran maadaama lagu soo ciyaarsiiyey cows macmal ah.

Halkan HOOSE ka DAAWO…

Hadalsame Media