“Wuxuu ii sheegay inuu film-ka ARDAY dhaqan-xumo faafinayo balse wuxuu kaloo ii sheegay inuusanba daawan”

0

(Muqdisho) 05 Maajo 2023 – Wuu isoo wacay, wuxuuna hadal iiga bilaabay sxbow filmka anshax xumada ah ee gaaladu soo maal gelisay maxaa u taageereysaa?

Waxaan ku iri walaal filmkee ka hadleysaa?Waxaan ka hadlayaa filmka Arday ee Astaan tv soo deysay. Astaan miyaa tiri? ayaan ugu jawaabay. Haaa filka Astaan laga soo daayey.

Waxaan ku iri filmka ma daawatay hadiise aad daawatay qaladaadka mid ama laba nooga sheeg aad ku aragtay? Een een walaal aniga ma daawan ee dadka sheegayey.

Waxaan ku iri hadii aadan daawan maxaad ugu xugmisay anshax xumo. Teeda kale inaadan daawan waanba hubaayoo

Maba taqaanid TV-ga laga soo daayey. Dadkeenu waxaysan waligood arkin bey xugmiyaan ayagoon waxba hubsan.

Culimada aadka u cambaareysay filmka Arday waan hubaa ineysan daawan ee sida wiilkaas sxbkey ah ayey iska xugminayaan waxaysanba war ka heynin.

Filmka hala daawado marka hore oo dhameysta kadib falcelin ka sameeya.

Anigu 2 xalqadood ayaan daawaday waxaana ku arkay xaqiiqo dalkeena ka dhacay iyo wacyi gelin bulsho.

Bal aan sugno ilaa dhamaadka.

W; Q: Farxaan Xalane

Hadalsame Media