KA FAA’IIDAYSO: Baro nooca dhiiggaaga cunnooyinka caafimaad ahaan kugu habboon

0

(Hadalsame) 04 Maajo 2023 – Dhaqaatiirtu waxay sheegaan in nooca dhiigaagu🩸 uu xakameeyo cuntada kugu habboon ee ay tahay inaad qaadato.

Nooc walba oo ka mid ah noocyada dhiigga wuxuu leeeyahay nidaam cunto oo ku habboon.
Haddii Dhiigaagu (🅰️) yahay waxaad ku dedaasha inaad khudaarta badsato iyo wax walboo dhirta ka soo jeedaa sida: qamadiga, galleyda iwm.

Waxaana lagula talinayaa inaad fogaato Hilibka xoolaha.
Nooca dhiigga (🅰️) waxaa lagu naaneysaa (Beeraley).

Haddii Nooca dhiiggaagu yahay (🅱️) waxaad ku dedaashaa: khudaarta, Caanaha, ukunta, hilibka marka laga reebo hilibka digaagga. sidoo kale waxaa lagula talinayaa inaad ka dheeraato : Galleyda, masagada, digirta, yaanyada, lowska, sisinta iyo qamadiga.

Nooca dhiigga (🅱️) waxaa lagu naaneysaa (xoolaley)
Haddii Nooca dhiiggaagu yahay (🆎️) waxaad ku dedaashaa: kalluunka, khudaarta iyo Caanaha.

Waxaana lagula talinayaa inaad ka dheeraato: Galleyda, digirta, iyo hilibka.
Nooca dhiigga (🆎️) waxaa lagu naaneysaa ( Xoolo-beeraley)
Haddii Nooca dhiiggaagu yahay (🅾️) waxaad ku dedaashaa: cuntooyinka protein-ku ku badan yahay sida Hilibka xoolaha, hilibka digaagga, kalluunka.

Waxaana lagula talinayaa inaad ka fogaato caanaha, subagga, galleyda, digirta, iyo cuntooyinka carbohydrates-ka ah. Nooca dhiigga (🅾️) waxaa lagu naaneysaa (Ugaadhsade).

Tixraac: website-ka Altibbi.com

May be an image of text that says 'Agrarlan Enlgma BLOOD TYPE A BLOOD AB TYPE Hunter Nomad ថូ BLOOD TYPE B BLOOD TYPE Ho0 O'

W/T: Mustaf Cawil Xasan

Hadalsame Media