Dowladda Sucuudiga oo lacagtii ugu badnayd ku raadinaysa jookarka Leo Messi

0

(Riyaad) 04 Maajo 2023 – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa diyaarinaysa dalab qaali ah oo ay ku soo jiidanayso jookarka wayn ee Lionel Messi si uu u yimaado Boqortooyada Sucuudi Carabiya xagaagan.

Weeraryahankan ayaa qarka u saaran inuu ka tago PSG dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo aabihiis, Jorge, la sheegay inuu kooxda Faransiiska ah ku wargeliyey go’aankiisa bil kahor.

Ma cadda halka ugu xigi doonta, laakiin laacibkan todobada jeer ee Ballon d’Or ma aha mid ay yar yihiin kooxaha doonaya haddii uu go’aansado tillaabadiisa xigta – Al-Hilaal ayaana diyaar u ah inay ka dhigto ciyaartooyga ugu mushaarka badan taariikhda kubadda cagta.

Waxay tani timid kaddib markii Messi lagu ganaaxay inuu fadhiisto muddo laba toddobaad ah kaddib markii uu safar aan loo fasixin ku tegey Sucuudiga.

Sacuudi Carabiya ayaa rajaynaysa inay ku qanciso Messi inuu isna u raaco Cristiano Ronaldo Bariga Dhexe kaddib markii uu ninkaasi ku biiray Al-Nassr sannadkii hore.

Hadalsame Media