Safaaradda Maraykanka ee Kiev oo ka baqanaysa gantaalaha Ruushka & Aqalka Cad oo sheegay inuusan Ukraine kula talin inay Moscow weeraraan

0

(Kyiv) 04 Maajo 2023 – Safaaradda Maraykanka ee caasimadda Ukraine ayaa kula talisay dadka Maraykanka ah in aanay iska indhatirin digniinta loo jeedinayo oo ay raadsadaan gabbaad ku habboon, iyaga oo ka digaya in xaaladda ammaanku ay si deg deg ah uga sii dari karto kaddib isku daygii weerar ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday Kremlin-ka, kuwaasoo saraakiisha Ruushku ay ku eedeeyeen Kiev.

Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa soo saartay digniin amni oo ku saabsan “khatarta sare ee weerarro gantaalo ah” oo lagu qaado guud ahaan Ukraine habeennimadii Arbacadii xalay, iyadoo tixraacaysa saraakiisha Ruushka oo ka digey inay qaadi karaan “weerar aargoosi ah” kaddib weerarkii Kremlin-ka.

“La socda in xitaa haddii gantaalaha soo dhacaya ama drone-ka la qabto, firirka kasoo dhacayaa waxa uu ka dhigan yahay khatar wayn,” ayaa lagu yiri mid ka mid ah talooyinka badbaado ee kasoo baxay Safaaradda Maraykanka.

Safaaradda Maraykanka ayaa intaa ku dartay in qof kasta oo Maraykan ah oo weli ku sugan Ukraine ay tahay inuu lahaado “qorshe adag oo aan ku tiirsanayn kaalmada Dowladda Maraykanka,” islamarkaana uu dalka ka baxo “markasta oo ay ammaan tahay inuu sidaas sameeyo.”

Dhanka kale, Maraykanku waxa uu sheegay in “aanu dhiirigelinayn ama ku taageerayn Ukraine inay weerarto meel ka baxsan xudduudaheeda,” sida ay sheegtay Xoghayaha Warfaafinta Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre ayaa Arbacadii mar ay u warrantay suxufiyiinta.

Jean-Pierre ayaa hadashay kaddib weerar ay Ruushku sheegeen inay Kremlin-ka ku qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, taasoo saraakiisha Ruushka ay ku gooddiyeen weerar aargoosi ah. Lama xaqiijin karo eedaymahan oo ay Kiev beenisey.

Hadalsame Media