“Weerarka lagu qaaday Moscow waxaa ka dambeeya Maraykanka” – Ruushka oo war cusub soo saaray + Tillaabo uu qaadayo

0

(Moscow) 04 Maajo 2023 – Dhammaan go’aamada Kiev waxaa go’aamiya Washington, kuwaasoo ay ku jiraan bartilmaameedyada la beegsanayo iyo waxa loo adeegsanayo, ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Ruushka Dmitry Peskov.

Hadalkiisa ayaa yimid kaddib markii laba diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay ku guuldarraysteen inay isku dayaan inay weeraraan Kremlin-ka saacadihii hore ee Arbacadii, sida uu sheegay Ruushku.

“Go’aamada noocan oo kale ah – qeexidda yoolalka, qeexidda waxa la adeegsanayo, iyo wixii la mid ah – waxaas oo dhan waxaa amar ku bixiya Washington oo u yeerisa Kiev, si fiican ayaan u ognahay,” ayuu Peskov u sheegay suxufiyiinta.

Afhayeenkan u hadlay Madaxwayne Vladimir Putin ayaa meesha ka saaray isku dayga saraakiisha Maraykanka iyo Ukraine ee ku aaddan inay “dafiraann” weerarkii Arbacadii isagoo ku tilmaamay “wax lagu qoslo,” kuna adkaystay “inay si fiican u ogyihiin in go’aamada lagu fulinayo falalkan argagixisanimada aan lagu gaarin Kiev, laakiin ay ka yimaadaan Washington.”

Peskov wuxuu caddeeyey inay muhim tahay in Maraykanku “si cad u fahmo” in Ruushku ka warqabo ku lug lahaanshihiisa Ukraine iyo “khatarta ka iman karta ku lug lahaanshihiisa tooska ah.”

Afhayeenku waxa uu sheegay in isku daygii ay Kiev isku dayday in ay ku weerarto Kremlin-ka si qoto dheer loo baarayo, laakiin ma uusan bixin qiyaasaha marka natiijada si rasmi ah loo shaacin doono.

Sidoo kale, WAD Ruushka ayaa sheegtay inay ka aarsan doonaan dalka Ukraine oo ay ka qaadayaan tillaabo ku habboon.

 

Hadalsame Media