Erdogan oo si deg deg ah u hakiyey waraysi laga qaadayey & Talo caafimaad oo la siiyey (Halka laga qabtay xilli ay doorasho taagan tahay?)

0

(Ankara) 27 Abriil 2023 – Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan  ayaa lagu khasbay inuu baajiyo safarro la qorsheeyey inuu ku tago magaalooyin dhowr ah Arbacadii shalay, isagoo tixraacaya talada dhakhaatiirta.

Arrintan ayaa timid kaddib markii uu soo gaabiyey waraysi uu Talaadadii siinayey TV sababo la xiriira sida uu sheegay xanuun dhanka caloosha ah.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo qof kasta oo ka mid ah qarankayga sharafta leh, qof kasta oo walaal ah, kuwaasoo iisoo gudbiyey iyagoo aan waqti haynin,” ayuu Erdogan kusoo qoray Twitter Arbacadii.

“Maanta waxaan ku nasan doonaa guriga waana talada dhakhaatiirteenna.” Ayuu raaciyey.

Waxa kale oo uu sheegay in aanay u suurtogelin in uu ka qaybgalo munaasabado loo qorsheeyey in lagu qabto saddex magaalo maalintii Arbacadii, isaga oo sheegay in Madaxwayne Xigeenka Fuat Oktay uu halkaas tegey. Erdogan ayaa ballanqaaday inuu ku soo laaban doono jadwalkiisii caadiga ahaa maalintan Khamiista ee maanta ah.

Isaga oo ku hadlaya magaca Erdogan ayuu magaalada Kirikkale wuxuy Oktay dadka u sharraxay in Madaxwaynuhu “kaliya qaatay nasasho gaaban si uu awood ugu yeesho in uu si deg deg ah oo ka firfircoon kana xamaasad badan berri u shaqeeyo daal la’aan.”

Talaadadii, Erdogan waxa uu ku khasbanaaday in uu ka baxo waraysi ay si wadajir ah ula yeelanayeen hilinnada Ulke TV iyo Kanal 7 wax yar kaddib markii uu bilaabmay.

Markii uu soo laabtay ayuu sheegay in uu dareemayo xanuun dhanka caloosha ah, waxaana uu uga cudurdaartay in uu joojinayo barnaamijka.

Turkiga ayaa ay doorasho guud ka dhici doontaa 14-ka Maajo. Erdogan oo xilka hayey tan iyo 2003-dii, ayaa markii ugu horreeysey noqday Ra’iisul Wasaare, markii dambena noqday Madaxwaynaha dalkaas 2014-kii, wuxuu doonayaa inuu mar saddexaad xilkaas qabto.

Waxa kasoo horjeeda musharraxa Kemal Kilicdaroglu, oo ay doorteen isbahaysi ballaaran oo ka kooban lix xisbi mucaarad ah.

Hadalsame Media