“Waa siyaasad khaldan” – Dalka Ukraine oo weerarka uu Ruushku kusoo qaaday Maraykanka ku eedeeyey + Sabab yaab leh

0

(Kyiv) 27 Abriil 2023 – La-taliyaha sare ee Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky, Mikhail Podoliak, ayaa amaanay qaraar ‘guul u ah Ukraine’ oo ay soo jeediyeen sharci-dejiyayaasha Maraykanku Arbacadii.

Washington, ayuu sheegay inay iminka doonayso inay wax ka beddesho ‘khalad taariikhi ah’ iyada oo Kiev ka caawinaysa inay ku biirto NATO oo ay taageerto ujeeddooyinkooda dagaal.

“Go’aanka Golaha Wakiilladu waa mid aan mugdi ku jirin: Maraykanku, nasiib daro, isaga oo ay wehliyaan wadamada kale ee reer Galbeedku, waxay ku dhiirigeliyeen Ukraine inay ka tanaasulaan hubkoodii nukliyeerka si loo xaqiijiyo ammaanka iyo xasilloonida gobolka. Tani waxay ahayd siyaasad khaldan oo uu si khaldan u fasirtay gardarrooluhu taasoo keentay dagaal wayn oo ka dhaca Yurub,” ayuu Podoliak soo tweet gareeyey.

Kiev waxa ay ku adkaysanaysey sanado in Maraykanka ay waajib ku tahay in uu ka ilaaliyo Moscow sababtoo ah Ukraine waxa ay ogolaatay in ay u celiso hubka atoomigga Moscow sida uu dhigayo heshiiskii is fahamka ahaa ee 1994 Budapest Memorandum, taas oo lagu bedelayey dammaanad qaadka madaxbannaanida dhuleed ee Ukraine.

Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton ayaa waxa uu bixiyey “raalligelin” toos ah mar uu la hadlayey idaacada Ireland ee RTE horraantii bishan.

Moscow ayaase waxay ku adkaysatay in hubkaa aanu ahayn mid Ukraine lahayd sidiisaba, balse uu ka tirsanaa hubkik Midowgii Soofiyeeti, kaas oo Ruushka loo aqoonsaday inuu yahay dhaxlaha keligii leh.

Ruushka ayaa sidoo kale tilmaamay in Zelensky hadalkiisii ku saabsanaa samaysiga hubka nukliyeerka Janaayo 2022-kii, uu sabab u ahaa howlgalkeeda millateri ee hadda.

Hadalsame Media