WHO oo ka digtey mid ka mid ah sharoobooyiinka qufaca ee caruurta la siiyo (Waa tee?)

0

(Hadalsame) 27 Abriil 2023 – Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in qayb ka mid ah sharoobada qufaca oo sumeysan islamarkana lagu farsameeyay dalka Hindiya lagu arkay jasiiradaha Marshall iyo Micronesia.

WHO waxa ay sheegtay in la tijaabiyay sharoobada Guaifenesin TG, oo ay samaysay shirkadda fadhigeedu yahay Punjab ee QP Pharmachem Ltd, ayna natiijada muujinayso ” xaddi aan la aqbali karin oo ah maadada diethylene glycol iyo ethylene glycol”.

Labadan maado ee ku jira sharuubadan ayaa ah mid sun ah oo haddii uu qofka isticmaalo uu u dhiman karo.

Bayaanka hay’adda caafimaadka aduunka si gaar ah uma sheegin in ay jiraan dad ku xanuunsaday sharoobadan ama u dhintay .

Digniintan ugu dambeysay ayaa timid bilo kadib markii WHO ay la xiriirisay sharoobada qufaca ee lagu sameeyo Hindiya dhimashada carruur dalalka Gambia iyo Uzbekistan.

Sudhir Pathak, oo ah agaasimaha maamulka shirkadda QP Pharmachem, ayaa BBC u sheegay in shirkaddu ay u dhoofisay Cambodia 18,346 dhalo ka dib markii ay heshay dhammaan oggolaanshaha sharci ee saxda ah ee ay u baahnayd.

Waxa uu sheegay in aanu garanayn sida ay daawadani ku gaartay jasiiradaha Marshall iyo Micronesia.

Bayaanka WHO ayaa lagu sheegay in Sharoobadani, oo loo isticmaalo joojinta qufaca iyo xanuunada kale ee neef mareenka , ay tijaabisay hay’ad maamusha arrimaha dawooyiinka oo fadhigeedu yahay Australia.

Bayaanka ayaa intaa ku daray in “shirkadda soo saartay iyo midda suuqgeyntuba aysan siinin WHO dammaanad qaad ku saabsan badqabka iyo tayada Sharoobadani”.

Sharoobada waxaa suuq geysay shirkadda Trillium Pharma, oo xarunteedu tahay gobolka Haryana. BBC-da uma suuragalin inay taleefoonka ku hesho madaxda shirkadan.

Dowladda Hindiya ayaan wax jawaab ah ka bixin digniintii u dambeysay ee ay soo saartay hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO.

Hindiya waa dal dhoofiya dawooyin, iyadoo daboosha inta badan baahiyaha caafimaad ee dalalka soo koraya.

Laakiin bilihii la soo dhaafay, shirkado badan oo Hindi ah ayaa isha lagu hayaa tayada dawooyinkooda ay soo saaraan, iyada oo khubaradu ay walaac ka muujiyeen hababka wax soo saarka ee loo isticmaalo samaynta daawooyinkan.

Bishii October, WHO waxay ka dhawaaqday digniin caalami ah waxayna afar sharoobooyinka qufaca ah oo ay samaysay shirkadda Maiden Pharmaceuticals la xiriirisay dhimashada 66 carruur ah dalka Gambia.

Dowladda Hindiya iyo shirkadda Maiden Pharmaceuticals labaduba way beeniyeen eedeymahaas.

Bishii March, Hindiya waxay shatiga kala noqotay shirkaddii soo saartay sharoobada qufaca ee lala xiriiriyay dhimashada 18 carruur ah oo ku dhintay Uzbekistan.

BBC

Hadalsame Media