Arrin caqabad ku ah inay Soomaalidu dowladowdo oo dalka kusii kordhaysa (Waa maxay?)

0

(Hadalsame) 26 Abriil 2023 – Burbur dawladeed mise burbur bulsheed?

Waxaa la wada yidhaahdaa soomaalida dawladnimadii baa ka burburtay, dhab ahaan se dawladnimadu waa waxa u gu yar ee ka dumay. Awalba soomaalidu ma ay lahaan jirin dawlad ka dhaxaysa, haddii ay lixdankii is ku daydayna ku ma ay liibaanin oo ma helin tu macne leh, waxii 1991 dumayna khayr u ma ahayn ee shar ay eedday buu ahaa.

Soomaalida waxa ka dumay ma aha dawlad ee waa habsamidii bulsheed ee qarniyada badan soo dhisnayd ee la gu dhaqnaa. Dhinac walba oo aad maanta ka eegto wax aad arkaysaa burbur, firidh, daadsanaan iyo doorsoon bulsheed oo dhan walba ah.

Sideedaba waxaa jirta arrin ah asaaska iyo lamahuraanta jiritaan bulsheed, xitaa bulshada xayawaanka iyo cayayaanka, oo ah hab-dhismeedka ijtimaaci ee ay ku taagan tahay iyo dunta, dareen-wadaagga iyo danaha isu haya. Sidee bulsho u qaabaysan tahay oo isu oggoshahay:

Qolooyin, degaan, xirfado, dhaqan-dhaqaale, maamulka guud iwm. Iyo haddana sidee iyo maxaa bulshadaa dadkeeda isu haya: tusaale ahaan diin, af, fan iyo suugaan, taariikh, wax ay ku wada faanto, qoyska, xididnimada, xigaalnimada. “Social structure” iyo “social fabric” baa afka qalaad la yidhaahdaa الهيكل الاجتماعي والنسيج الاجتماعي.

Soomaalida haddaba waxa ka burburay dawladnimo ma aha ee waa taas, oo dawladnimadii faasidka ahayd qudheeda ayaaba ka qaybqaadatay burburinta.

Wax aynnu wada og nahay soddonkii sano ee tagay in dawlado badan oo muslin ahi dumeen. Waxaa dumay Afgaanistaan, Soomaaliya, Ciraaq, Yaman, Suuriya, Liibiya iyo Soodaan qudheeda. Haddii aynnu dawladahaa u fiirsanno wax aynnu arkaynnaa in ay jiraan waxyaalo ay wadaagaan oo darteed u dumeen. Badankoodu wax ay ahaayeen bulshooyin dhaqan-raac ah, qaarkoodna wax ay ahaayeen kuwo reer Galbeedka ku mudan. Ummadaha dhaqan-raaca ah oo is-haysigooda bulsheed aad u xooggan yahay dhaqamada kale sahal ku ma geli karaan, haddii aanu qaab-dhismeedkeedu horta dumin.

Haddii qaab-dhismeedku dumo waa qasab in qiyamkii bulsheed ee dadka ilaalinayay markiiba dumo. Waxa bulshooyinka dumiyana waa la is la yaqaan oo waxaa kow ah dagaalka (mid sokeeye iyo mid shisheeyaba), dhaqaale burbur, nabaadguur/xaaluf iyo masiibooyin dabiici ah, soomaalidana intaasiba waa ay isu raacday.

Dadkii dhulkooda ku sharfanaa ee qabka lahaa ee cid walba is ka la weynaa ee soomaalidu afartan sano in ka badan wax ay u wadhan yihiin haad iyo haanraawe. Ka adeegidda guryaha carabta, magafaha Saxaraha, kaniisadaha Masiixiga, Bariga ilaa Koonfur Afrika, Laatiin Ameerika iyo dhammaan dalalka reer Galbeedka. Waxaa ku socda cay iyo sumcad dil warbaahintu ku waddo oo dhanka reer Galbeedka qorshaysan, dhanka ummadaha kalena u dhaca si bulsheed. Waxaa u sii dheer in dalkoodii quwado shisheeye hoganayaan xuduuddooduna is ka noqotay halaqmareen. Waxaas oo dhan oo dhacay maxaad ka filaysaa dadka ay ku dhaceen? Burbur bulsheed, inta eraygu macne lee yahay oo dhan.

Maanta gayiga soomaaliyeed meel walba in dawlad la dhiso ayaa la ga hadlayaa, laakiin dadka leh dawlad baannu nahay ama dawlad baannu dhisaynnaa waa kuwo qudhoodu burburka bulsheed ku dhacay oo aan haysan qiyamkii ay dawlad ku dhisi lahaayeen ama dadku ku raaci lahaa. Tusaale ahaan maxaa ka daacad ah? Sidee bay dawladnimada u arkaan? Ma lacag bay raadinayaan mise dawlad? Haddii ay ka dhasheen reer hebelkan abaabulan ee reer hebelka kale ku taagan, sidee kalsooni ku heli karaan? Haddii adigiiba la guu arko tuug qabiili ah oo reer hebel ah sidee la guu aamminayaa? Horta adigu goorma ayaad qoladiinnii ka soo baxday oo aad noqotay qof dadka u dhaxayn kara sidaadaba?

Wayddiimahaa warcelintooda dhabta ah waxaa la gu heli karaa in bulshada dib loo gu noqdo, oo waa ay daadsan tahay ee la ururiyo, oo waa ay jajabtay ee la kabkabo, oo waa ay ka la baqaysaa ee la heshiisiiyo, oo waa la khiyaanay ee kalsoonidii loo soo celiyo, oo waa la dhacay ee waxeeda loo ilaaliyo.

Dawladnimo, waddaniyad iyo hadallada la midka ahi wax ay u socon waayeen waa wax ka imanaya quluub aan fayoobayn oo daacad ahayn, quluub shakisan oo baqaysa ayayna ku dhacayaan.

Waa hadallo faaruq ah oo ka yimaadda niman bartay in taa la gu danaysto. Sidaa darteed bulsho la burburiyay oo sidii quraarad dhulka ku dhacday u ka la daadsan cidda midnimo, dadwladnimo iyo kalsooni dhexdeeda ah u gu baaqaysaa waa in ay tahay cid wax ka la garanaysa markeeda horeba, marka labaadna iimaan qabta oo aan qudheedu ku jirin burbur akhlaaqeed oo aan ahayn tuug qabiili ah.

W; Q: Ibraahim Hawd

Hadalsame Media