“Anigoo umul ah oo ay caano iga da’ayaan ayaan ka cararay!” – Gabar weriye ah oo ka hadashay silac & Argagax ay soo martay

0

(Hadalsame) 26 Abriil 2023 – “Anigoo ummul ah oo naasaha caano iga da’ayaan ayaan ka fakadey ninkaas iyo noloshiisii.!!

Xanaan Iyada oo 13 sano jir ayey kasoo guureen magaalada Cadaado waxa ayna usoo guureen mogadisho, balse sanad kadib xanaan waxaa loo wareejiyey walaashed kawayn oo lagu qabo magaalada buule-burde ee gobolka hiiraan. Sanad kadib xanaan waxaa khasab loogu guuriyey nin ay xidid yihiin walaasheed ka wayn, ninkaas oo ah nin aad u da’wayn.

“Waxaa khasab laiigu guuriyey nin aanan aqoon, sheeko na dhex marin, aniga oo ah gabar yar oo agoon ah walina aan gaarin guur. Sidoo kale ninka laiiguuriyey waxaa uu ahaa nin cadaw ah, naxariis lahayn. Walaashey iga wayn waa ay kasoo guurtey magaalada buule-burde waxa ayna Usoo guurtey xamar, ninka laiiguuriyey hadii aan hal erey ku dhaho waxa uu iigu jawaabi jiray dil iyo in uu i gaaraaco oo uu i jirdilo ilaa aan ka baqo in uu nafta iga qaado. Majirin cid iga celisa reerkiisa oo aan la daganaa waxay ay ii sheegeen in caado ay u tahey in naagaha ladilo.

Markii aan u dulqaadan waayey dilka oo aan su’aalaha ku badiyey iyo in uu dilka iga joojiyo waxa uu igu bilaabay in uu lugta iga xiro oo qolka igu dhex xiro.

Halkaas ayaa cuntada laiigu keena, banaanka uma bixi karin, xataa suuli ma aadi karin waayo lugta ayaan ka xirnahey. Waxaa laiila dhaqmey sidii qof waalan oo aan miyirkiisa joogin, habeenkii marka uu shaqada ka yimaado ayuu iga furi jiray xariga lugta iiga xiran.

Mudo markii aan sidas kujiray ayaan uur u qaadey. Nasiib xumo aniga oo uur leh ayaan lugta ka xirnaan jiray waxaana iisii dheera dilka ninka i qaba ii gaysanayo. Waan dhalay oo waxaan dhalay gabar. Aniga oo aad u da’yar oo aan awood u lahayn in aan sifiican u dhalio, sidoo kale aan haysan wax nafaqo ah. Aniga oo lugta kaxiran ayaan mararka qaar dhiig bixi jiray oo aysan jirin cid iga war haysa.

Waan u adkaysan waayey noloshaas aniga oo dhalan mudo 15 bari ah ayaan goaansadey inaan noloshaan ka fakado oo aan ka baxsado noloshaan cadaabta ah. Waxa aan kasoo fakadey guriga aniga oo jaanis ku helay xili uu maqan yahey ninka i qabey, waxaan iska dhigay gabadhii yarta ahayd oo aan dhaley, aniga oo umul ah oo naasaha caano iga da’ayaan ayaan ka fakadey magaalada buule-burde oo ahayd meesha dhibaatadaas laigu marsiiyey. Waxa aan helay gaari u socda mogadisho aniga oo halkaas kaga soo baxay noloshii xumayd ee aan galey ayey tiri xanaan shidane.

Waraysiga oo uu ka qaadey wariyihii hore ee BBC-da Ayaanle Xuseen Cabdi ka qaaday
ayey ka dhex tiri xanaan shidane iyada oo ilmaynaysa “aniga oo ah gabar yar oo agoon ah magaran karo sababta nin iga wayn khasab laiigu siiyey, sababta uu ii dili jiray xili kasta iyo sida uu lugta iiga xiri jiray sidii aan ahay qof waalan”.

W; D: Umulkhayr Cawad

Hadalsame Media