MAN CITY V ARSENAL: Hal arrin oo uu Guardiola sii ogyahay & Hal xaalad oo ay Arsenal ku sugan tahay ayaa caawa ciyaarta go’aamin karta

0

(Hadalsame) 26 Abriil 2023 – Arsenal waxa ay caawa booqanayaa dhanka woqooyi ee Ingiriiska, iyadoo xoori doonta ama xaqiijin karta horyaalka Premier League marka ay u martiso garoonka Etihad habeenka caawa ee Arbacada ah.

Inta badan dadka indha indheeya ciyaaraha Ingiriiska ayaa qaba in Guardiola uu Arsenal ka helay halkii uu la doonayey kahor kulankan xasaasiga ah, sida uu qabo Oliver Holt oo wax ku qora Daily Mail.

Kooxda Arsenal ayaa waloow ay markii hore dheeraynaysey waxay haatan oo martay saddex barbarro oo xiriir ah iyagoo ka sii fogaanaya xariiqda dhamaadka ee lagu qaadi lahaa horyaalka, halka tareenka dheereeya ee Guardiola uu si xawli ah ugu socdo dhul uu horay u yaqaanney dhammaadka xilli-ciyaareedka.

Guardiola wuu garanayaa meeshan. Waxa uu halkan soo joogey marar badan, gaar ahaan Spain, Germany iyo England. Siyaalo kala duwan iyo waqtiyo kala duwan ayuu ku qaaday koobab kala duwan.

Yeelkeede, Mikel Arteta, macallinka Arsenal, khibraddaas weli ma hayo dhankiisa. Weli heerkaa ma gaarin.

Arsenal ayaa shan dhibcood ka sarraysa Man City iyadoo hoggaanka horyaalka haysa laakiin laba kulan oo dheeraad ah ayay ciyaartay waxaana ay tebeysaa maqnaanshaha William Saliba oo u taagnaa wadnaha difaaceeda, xilli ay City sii dardar gelinayso ciyaarteeda kulan kasta. Balse hal kulan wax kastaa ka dhici kara.

Hadalsame Media